Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.[Masawiro]

June 9, 2014 - Written by Editor

DSC05543Garoowe:-Waxaa maanta si weyn oo aan bulshadu u kala harin haddii ay ahaan lahaayeen masuuliyiin iyo shacaba ay u ku soo dhaweeyeen magaada Garoowe Sh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah oo saaka ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Sh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdiga culimada ee la socday ayaa waxaa culimo, ducaad, wasiiro, Xildhibaano, Issimo , Saraakiil ciidan , Arday , haween iyo maamul ka Gobolka Nugaal ay uga hortageen tuulada Tukaraq oo ilaa 80 Km u jirta magaalada Garoowe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada Garoowe diyaar garow balaaran oo la doonayey in lagu soo dhaweeyey Sh Maxamed Cabdi Umal oo socdaal dacwadeed saaka ku yimid magaalada Garoowe. Soo dhaweynta Sh Maxamed Cabdi Umal ka dib ayaa waxaa goobta ka hadlay Fadiilatu Sh Daahir Aw-cabdi waxaana uu sheekhu sheegay in ay maanta ay tahay maalin weyn oo mudan in baaldahaba lagu qoro maadaama aan aragno ShMaxamed Cabdi Umal oo nala jooga Garoowe.

Munaasabada lagu so dhaweynayey Sh Umal ayaa waxaa ale oo hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey  Sh Cabdi Qani Qorane , Gudoomiyaha Gobolka Nugaal , Duqa magaalada Garoowe oo dhmaantood si kala iyo laab ah ugu soo dhaweeyey Garoowe Sh Umal. Dhinac Dowladda Puntland ayaa waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Cadaaadda iyo diinta ee Puntland isagoo soo dhaweyn ka dib ku til maamay socdaalka dacwadeed ee Sheekh Umal ku yimid Puntland in ay tahay guul loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Dhamaan dadii ka hadlay goobta oo iskugu jiray culimo, iyo masuuliyiita Puntland ayaa ku tilmaamay maanta in ay tahay maalin farxadeed iyo reynreyna ay u soo dhaweynayaan Sh Umal wixii cilmi ee diini ahna ay ka faa’iidaysan doonaa insha Allaahu.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu socdaal dacwo ku maray Hargeysa,Boorame  ,Gabiley,Wajale , Berbera, Dilla iyo magaalada Burco. Magaalada Burco k dib ayaa Sheekh Umal waxaa uu u soo talaabay magaalada madaxda gobolka Sool ee Laascaanood waxaan uu ku suganaa mudo 3 cisho ah , saaka ayaa Sh Umal iyo wafdi culumo ah waxay u baqooleen magaalada Garoowe oo hadda ay ku sugan yihiin waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey culumada gobalka Nugaal oo uu horkacayo Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf, Sh Daahir Aw-Cabdi, Sh Maxamed Macalin , Sh Axmed Daahir iyo culimo kale.

no images were found

Musasat Al-Minhaaj
Garoowe, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online