Dardaarankii Sh Umal u jeediyey saddexda Gole ee Puntland.[Video/Masawiro]

June 14, 2014 - Written by Editor

7Garoowe:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaro diini ah oo ku saabsan masuuliyada saaran qofka masuulka ah ka hor jeediyey xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe iyadoo ay soo xaadireen  saddexda Golle ee ay ka kooban tahay Dowladda Puntland.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday masuuliyadda ka saaran madaxda bulshadooda nooc walba oo ay yihiin iyadoo arrinkaas ay tahay mid lagula xisaabtamayo, muxaadarada Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeen ka dowladda Puntland  Eng.Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta saddexda gole ee Puntland in ay alle uga baqaan masuuliyaddda saaran ayna u adeegaan bulshadooda isagoo gabagabadii muxaadaradana u soo jeediyey dardaaran qiimo badan oo wax ku ool ah.

Dhinac kale Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland  Eng.Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa horey waxaa uu ku wargeliyey saddexda gole ee dowladda Puntland in ay yimaadaan xarunta baarlamaanka Puntland si ay u dhagaystaan muxaadaro uu u jeedin doono Sh Maxamed Cabdi Umal arrintaas oo saddexda goleba ay si buuxa uga soo qayb galeen.

Afhayeenka dowladda Cabdullaahi Quraan-jecel oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu uga waramay qaabka ay dowladda Puntland u soo dhaweysay Sh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdigii culimada ahaa ee la socday iyo weliba kulan gaar ah oo uu Sh umal la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo dardaaran uu shalay u jeediyey 3 gole ee ay ka kooban tahay dowladda Puntland.

no images were found

Hoos ka Daawo Dardaarankii Sh Umal uu u jeediyey saddexda Gole ee dowladda Puntland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online