Socdaalka dacwo ee Sh.Umal iyo casharada aan ka baran karno W/Q Sh Axmed Dheeli

June 17, 2014 - Written by Editor

dheeliSudan:-Sidda aan lawada soconayba waxaa soo jiitay indhaha warbaahinta iyo rayul-caamka umada Soomaaliyeedba jawlada balaaran oo caalimka Soomaaliyeed Fadiilatu Sh.Maxamed Cabdi Umal uu bilihii ugu danbeeyey ku marayey deegaano balaaran oo ka mid ah dhulka Soomaalidu dagto, jawladaas oo kasoo bilaabatay magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida, asagoo booqday inta badan gobollada uu ka kooban yahay deegaankaas, ka dibna wuxuu u soo gudbay deegaanada Soomaaliland ugu danbayna ayaamahaan wuxuu marayaa deeganada Puntland.

Hadaba jowladaas dacwadeed ee barakaysan waxaa laga baran karaa casharo muhiim ah oo mudan in la dul istaago , waxaan ugu muhiimsan casharadaas:-

1) Duruustaas waxaa ugu horeeya fikirkayga qiimaha ay ku fadhiyaan culimadu iyo kaalinta ay uga jiraan bulshada , ayagoo cid kasta uga muhiimsan bulshada, baahida loo qabona ay aad u balaaran tahay.

2) Sida shiikha socdaalkiisa ka muuqata soomaalidu xuduudo ma leh waana dad isku qoys ah meel walbana isku si ayaa loogu soo dhaweeyey , isku qaabna wuu ula falgalay.

3) Soo dhawayntii balaarnayd ee shiikha loo sameeyey ,oo kumanaanka kun isugu soo bexeen oo isugu jiray dhamaan qaybaha bulshada, madax iyo shacab labadaba, ayadoo magaalooyinka banaankooda looga hor imaanayey, waxay na tusaysaa jacaylka ay umadu u qabto culumadooda , waana arin diin ah oo tusaysa in shacbku wali dhaqan yahay waxna u nool yihiin.

4) Socdaalkaani wuxuu muujiyey in shacabka soomaaliyeed ku gacansayreen kooxihii u istaagay inay maqaamka culumada ay meesha ka saaraan ayagoo u maraya dariiqyo kala duwan sida gaalaysiin, dil, dacaayad, cabsigalin, sumcad-dilid IWM.

5) Waxaa kaloo laga fahmayaa cidii Allaah raali galisa oo uu camalkiisa aqbalo in umudiisa uu aqbal iyo jacayl u galinayo quluubtooda, sheekhana waxaan u rajaynaynaa inuu qoladaas kamid yahay cidna Allaah u dahiri mayno asagaa naga yaqaan umadiisa.

6) Soo dhawayntaan waxay muujisay in dacwadii sheekha iyo culimadiisu ay qaangaartay oo tiirar adag ku yeelatay bulshada soomaaliyeed , meel walba oo kamida dhulka soomaalidu dagtona ay miisaan wayn ku leedahay, taasina waa mid Allaah loogu mahdiyo una baahan in halkaa laga sii anbaqaado ilaa ay guri walba gasho.

7) Kulankii sheekhu ugu muxaadareeyey golayaasha dawlada Puntland oo uusan dhinacna ka maqnayn iyo sidii maamuuska lahayd ee ay u dhagaysteen waa mid tusaysa in saamaynta dacwadu ku yeelatay shacabka soomaaliiyeed ay gaartay martabad hididiilo nagu abuuri karta inkastoo dadaal dheer uu laaban yahay.

Sh. Ahmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online