Caruurta Agoonta ah ee ku jirta Xarunta agoomaha ee Laascaanood oo qaarkood la soo gaadhsiiyay dharkii ciida[Masawiro]

July 27, 2014 - Written by Editor

a8Laascaanood:-Xarunta agoomaha ee Magaalada Laascaanood oo maanta qaarkamida Caruuta ku jirata la soo gaadh siiyay Dharkii Ciida kaas oo ay ugu deeqday Faadumo Jaamac Cabdi Bile Oo dagan uk deeqdan ayaa waxa looqaybiyay Caruur agoona oo gaadhaysa Lixdan oo Isugu jira wiilal iyo hablo Caruurta agoonta ah ayaa sandkasta caawino ka hesha faadumo iyo dadka muxsiniinta ah ee la shaqeeya,

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadalay Maamulaha Xarunta Agoomaha Laascaanood Sh Jaamac Daad oo u mahad Celiyay Marka Hore IILAAH Geesta kale sheekha ayaa halkaas oga mahad celiyay Faadumo Jaamac Cabdi Bile oo waxa uuna yidhi waxaan aad ugu mahad celinaynaa faadumo sida qiimaha leh ee ay agoonta u soo booqato una caawiso markasta waa soocaawisaa agoonta maanta waxaa aad u faraxsan agoonta waxaan leenahay faadumo iyo intii kala qayb qaadatay in ilaah ka farxiyo maalinka qiyaame.

Waxaana ugu baaqyaa guud ahaan bulshada deegaanada sool sanaag iyo cayn in la soocaawiyo agoonta taas ah xasasanaad badan laga helayo. Sh Aadan cali Nuur Gudoomiyaha shirkada Golis ayaa halkaas kahadalay oo wakiilna ka ahaa lacagta dharka loogu gaday caruurta waxaana uu umahad Celiyay Faadumo jaamac Cabdi Bile dadkii kala qayb qaatay waxana uu yidhi waxaad ka farxiseen agoon idinkana illaah ha idin ka farxiyo dhamaan bulshada waxaan ugu baaqayaa inay soocaawiyaan agoonta waayo agoonka oo lacaawiyaa waa ajar wayn Sh,Aadan Cali Nuur ayaa yidhi waa in la sii wadaa lana balaadhiyaa Caawinaada Agoonta.

Xaruntan ayaa waxaa ku jira caruur agoona oo aad u badan kuwa maanta dharka loo qaybiyay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo aad u yar yar oo si wayn ugu baahan in la soo caawiyo geesta kale waxaa sanadkasta ku soo biira xarunta agoon ku waas oo la diiwaan galiyo qaarkoodna suga inta cid caawisa ay helayaan.

no images were found

C/kariim C/laahi
Lascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online