Dowlada Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay duulka Yahuuda ee Gaza

July 22, 2014 - Written by Editor

Dr Abdirahman D BeilehGaza:-Waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga.

Waxaan ka codsaneynaa Israel inay si dhaqsiya leh ku joojiso dagaalkeeda iyo duqeynteeda daran ee ay ku qaaday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan la bah nahay Maamulka iyo Shacabka Falastiin, iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14 July si xabadda loo joojiyo.

Waxaanu ugu baaqeynaa dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda , laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan ee ka  midka yihiin caruurta,haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool Marinka Gaza, iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo degganaanshaha iyo wadaxaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh
Wasiirka Arrimaha Dibadda

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online