Dowladda Puntland oo Tacsi ka diray Geerida Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe.(Masawiro+Cod)

July 20, 2014 - Written by Editor

IMG_3540Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tacsi ka direy geerida Marxuum Garaad Cabdulaahi Garaad Soofe oo kamid ahaa isimada Soojireenka ah ee Puntland,kuna geeryooday Magaalada Buuhoodle.

Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Eheladii,asxaabti iyo shicib waynaha Puntland uga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka isagoona alle uga baryay in janadii fardowsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasicyo Samir iyo iimaan Buuxana kasiiyo dadkii uu ka tagay.
‘’Inaa Lilaahi Wa inaa ilayhi Raajucuun waxaan halkaan tacsi uga dirayaa guud ahaan umadda Puntland gaar ahaan Ehelkii iyo qoyskii uu katagay Garaad Cabdulaahi Garaad Soofe oo ku dhintay Magaalada Buuhoodle’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Garaad Cabdulaahi Garaad Soofe waxa uu ahaa Ehelu diin waxa uu ahaa waxgarad katagay umadda Puntland iyo Soomaali oo idil,howsha uu hayay oo ahayd howl khayr in umaddu nabad ku noolaato ayuu hadafkiisu ahaa ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

no images were found

Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa isna katacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka isagoona alle uga baryay in janadii Fardowsa kawaraabiyo.

INAA LILAAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Hoos ka Dhagayso Tacsi uu diray Madaxweynaha Puntland Dr Gaas

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/5toytk8lxs/TacsiGaraad.mp3]

Hoos ka Dhagayso Tacsi uu diray Madaxweynaha Puntland Eng. Camey

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/k6ku2js8hu/Cameytacsigarad.mp3]

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online