Heshiis Maamul usameynta goballada dhexe (Mudug iyo Galgaduud)[Masawiro]

July 30, 2014 - Written by Editor

IMG_5557Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la gaaray Heshiis Maamul usameynta gobalada Dhexe ee (Mudug iyo Galgaduud)waxaana heshiiska qeyb ka ahaa DFS beesha caalamka ,Maamulka Galmudug ,Maamulka Ximan & Xeeb iyo suufiyada la baxday Ahlu suna nuqul ka mid ah heshiiska ayaa waxaa uu soo gaaray Halgan,net wuxuuna u qornaa sidan.

1. Hordhac:
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFSJwaxay horraantii bishan Luuliyo Muqdisho ku martiqaadday wafdiyo ka kala socday Dawlad Goboledka Galmudug, Maamulka Ximan & Xeeb, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca. Ujeeddada martiqaadka XFS u fidisay waxay ahayd in fursad loo sameeyo dadka degan gobollada Galgaduud iyo Mudug sidii ay si wadajir ah ay u sameysan  lahaayeen maamul goboleed loo dhan yahay.

Xukuumaddu waxay u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulkan guddi ka firsan Golaha Wasiirada ,00 kala oh:

1. Cabdullaahi Goodax Barre
WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

2. Mustafa Sheekh Cell Dhuxulow
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa.

3. Ducaale Adarn Maxarned,
Wasiirka Wasaaradda Hiddaha& Tacliinta Sore.

4.Mahad Maxarned Salaad,
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga.

5. Axmed Cali Salaad,
Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

Kulamada ay Xukuumadda Federaalka la yeelatay dhinacyadan kor ku xusan iyo beelaha deegaanka, waxay bilowdeen 2dii Luuliyo 2014. Waxayna si gaar gaar ah 00 isxig-xigta kulamo la tashi ula yeelatay dhinacyada kor ku xusan, kuwaas oo ugu dambayn ku heshiiyay mabaadii’da asaasiga oh ee lagu dhisaayo maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

2. Hadaba Dhinacyada kor ku xusan:
• Iyadoo la garwaaqsaday, baahida loo qabo qoorshe siyaasadeed 00 cad 00 /agu gaarayo dhismaha nidaam Maamul 00 rasmi oh 00 ku saleysan rabitaanka dadka, waafaqsanna Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee J.F.Soomaa/iya, taasoo ay muuqato in dadku u hiyi qabaan.

• Iyadoo la ayidaayo, muhiimadda ay leedahay in la dhiiri galiyo heshiis loo dhanyahay, 00 horseedaya sharci iyo kala-dambeyn, bixinta adeegyada asaasiga oh iyo xoojinta maamulka heer degmo, gobol, iyo kan federaalka intaba.

• Iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo, midnimada, madax-bannaanida iyo israacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

• Iyadoo ay lagama maarmaan tahay doorka hogaaminta XFS ee isku dubaridka hannaanka iyo geeddi socodka maamul u sameynta Goboladda Mudug iyo Gafgaduud .

3. Waxay isku af garfeen;
1. In la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Golgaduud.

3. In la dhiso guddi farsamo 00 ka kooban 25 xubnood 00 ka socda dhammaan beelaha dega gobolladaas. Guddigaas farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixoheshiiskaan.

4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgeleyaa si wadajir ah in loola dagaalamo nabad-diidka goboladaasna lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.

5. Geeddi socodka dhismaaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo ku siman 60 maalmood, waxaana fududeynaayana XFS.

6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol.

7. XFSayaa mas’uul ka oh xaqiijinta, meel marinta iyo taabbogelinta heshiiskan,siinayana wixii tasiilaad oh.

8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa 500 diyaarinaya XFS,kuna 500 celinaya saxiixayaasha.

9. Cid alla ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo logo qaadaayo tallaabada ku habboon.

10.Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa logo billaabo maalinta la saxiixo.

11.Heshiiskan waxaa si wada jir oh u saxiixaya Dawlad Goboledka Galmudug, Maamulka Alsunna Wol Jamaaca, Maamulka Ximan& Xeeb, iyo 4 xubnood 00 Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

Sexiixayaoshu waxay dhammaantood sexiixooda ku caddaynayaan waafaqsonaantooda dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollado Galgaduud iyo Mudug 00 loo dhan yahay.

no images were found

4. Magacyada Sexiixayaasha waa kuwan:
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Maamul Galmudug
Maamulka Alsunna Waljamaaca Shekh Ibraahim Shekh Xasan Guureeye
Maamulka Ximan & Xeeb Cabdullaohi Maxamed Cali (Baarleex)
Mustafo Sheekh Cali Dhuxulow
Ducaale Adam Maxamed
Axmed Cali Salaad (Taoko)
Mahod Maxamed Salaad

Dammaanad-qaade:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Cabdullaahi Goodox Barre Goobjoog

SafiirMichele Cervone Ergeyga Gaorka ah ee Midowgo Yurub

Ergeyga  Urur Goboleedko IGAD Sefiir Muhemmed Affey

Wakiilka Xoghoyaha Guud ee Qaramoda Midoobay Sefiir Nicholes Key

Siihayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyoho Komishanko Midowga Afrika Merwo Lydie Wenyoto Mutende

Halkan ka Akhriso Heshiis Maamul usameynta gobalada Dhexe   (MUDUG IYQ GALGADUUD) oo PDF ah

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online