Jawaabo Laga Bixiyay Heshiiska Gobollada Dhexe [Dhagayso]

July 31, 2014 - Written by Editor

SaxiixayaalMuqdisho:-Dowladda Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay heshiis la sheegay in maamulada ka dhisan gobolada dhexe ee Somalia ay shalay ku gaareen magaalada Muqdisho. Heshiiskaasi oo ay sida la sheegay gaareen madax kala mataleysay gobolada Galguduud iyo Muddug ayaa waxaa ugu muhimsanaa in mabdi’iyan ay dhinacyadaasi isla qaateen inay maamul mid ah dhistaan. Waxaase soo baxaya dhinacyo diidan heshiiska, oo ay ku jiraan Maamulka Ximim iyo Xeeb iyo qaar ka mid ah saraakiisha maamulka ahlu Sunna ee gobolada dhexe.

Maamulka Puntland ayaa iyaguna diiday heshiiska, waxayna dib ugu yeerteen xubnahooda uga jira dowladda dhexe. Qeybta hoose ka dhageyso wareysiyada, wasiirka Arimaha Guddaha iyo federalka ee dowladda Somalia Cabdullahi Goodax Barre, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu-sunna Waljameeca, Sheekh Cabdirisaq Al-ashcari, madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullahi Cali Maxamed (Baar-leex) iyo shir jaraaid oo uu Garoowe ku qabtay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

Dhageyso Jawaabaha Laga Bixiyay Heshiiska Gobollada Dhexe

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online