Labo cunug oo ugu geeriyooday Baraag ay ku dhaceen magaalooyinka Waaciye iyo Xidda.[Masawiro]

July 25, 2014 - Written by Editor

baraag biyoWaaciya:-Wararka aan ka helayno deegaanada Xidda iyo Waaciye oo ka tirsan gobolka Karkaar ee dowladda puntland ayaa sheegaya in waqti aan aad u kala fogayn maanta 24/07/2014 ay ugu geeriyoodeen Baraag biyood ay ku dheceen. Lama oga ilaa hadda sababaha keenay in ay ku dhacaan caruurtani baraagahan laakiin waxaa loo sababynayaa in baraaguhu badanaa aysan lahayn albaab iyo xayndaab ka celiya xoolaha iyo caruurta in ay galaan baraagahan aadka u waawayn ee keena sanadwalba dhimashad caruur haween iyo dhamaan dadka aan oqoon xirafadda dabaasha.

Hadaba maxaa lays oran karaa waxay u noqonkartaa daawo si looga badbaado khatarta ay leedahay baraagahan afka ka banaan ee keenaya khatar dhimasho iyo walwal soo wajaha bulshooyinka ku nool meelaha ay ku badanyihiin baraagaha noocan oo kale ah:-

Waxay ila tahay in lagu soo urinkaro dhowrkan qodob oo kala ah:-

1. In laga wacyi geliyo dhamaan bulshada khatarta ay leeyihiin biyaha ku jira baraagahan.

2. In loo sameeyo xaydaab iyo albaab aanay suurta gal ahayn in ay galaan da’yarta iyo xooluhuba.

3. In lagu wacyi geliyo bulshada qaybeheeda kala duwan barashada dabaasha si ay u badbaadaan ama cid u badbaadiyaan markii khatartan oo kale ay timaaddo.

4. In lagu sameeyo calaamado meelaha ay baraagtu moolka u yihiin si laysaga ilaaliyo.

Ugu danbayntii in la helo dad u tababaran badbaadinta iyo u gurmashada markii dhibkan oo kale yimaado ilaahay baa wax badbaadiyee.

no images were found

Maxamed Faahiye Ciise
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online