Madaxwaynaha DGPL oo La kulmay Agaasimayaasha Wasaaradaha,Hay’addaha Madaxa Banaan[Masawiro]

July 22, 2014 - Written by Editor

IMG_3618Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kullan aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Puntland,Agaasimayasha Maamulka ee Wasaaradaha,Agaasimayaasha Guud ee hay’addaha Madaxa banana iyo Gudoonka Hanti dhowrka Qaranka Puntland oo tiro ahaan Gaarayay 67,agaasime. 67,agaasime ayaa kala ahaa 31,Agaasime Guud,11,Agaasimayaal Hay’addaha Madaxa banaan ah 23,Agaasime ee waaxaha Maamulka Wasaaradaha Puntland.

Ajandaha Maanta uu soo hordhigay Madaxwayne Gaas agaasimayaashaasi ayaa kala ahaa :-

1:Habsami Usocodka Shaqada Dowladda

2:Dhowrida Hantida Dowladda Puntland

3:Soo Xareynta Dakhliga iyo Canshuuraha Dowladda.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Tilmaamay inay tahay qodob Tastuuri ah in Cashuurta la bixiyo,islamarkaana Canshuur kor uqaadis lagu sameeyo Canshuuraha laga qaado Hay’addaha Madaxa banaan ee ka howlgala Puntland.

Dhinaca kale madaxwayne Dr.Cabdiwali Gaas ayaa agaasimiyaashi ka qayb galay kullanka ku wargaliyay in masuul kasta looga baahanyahay in shaqadiisa uguto sida waajibka tastuuriga ah uu farayo,islamarkaana loo baahan yahay in ay la jaanqaadaan isbadalka laguna qiimayn doono hufnaanta shaqadiisa agaasime walba.

Madaxwaynaha ayaa intaas hadalkiisa raaciyay in loo baahanyahay howlkarnimo dheeraad ah oo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan,islmar ahaantaasna Masuul walba looga fadhiyo in uu Ilaaliyo hantida qaranka aana la ogalaan Karin wax musuq maasuq ah .

Hantida dowlada ee gacanta lagu hayo Sida Gaddiidka,Guryaha iyo agabka xafiisyadaba ayuu Madaxwaynuhu ku adkeeyay in lagama maar maan ay tahay in la ilaaliyo,sidookale madaxwayne gaas ayaa tilmaamay in dakhliga dowlada oo kobcaa ay ku xiran tahay ururinta canshuurta sidaa daraadeed waxa waajib ah inaad ururisaan canshuurta kadibna aad xaraysaan .

Madaxwaynaha ayaa faray masuuliyintii in si cadaalad ah ay u ururiyaan canshuurta iyagoona si siman uga qaadaya Dadka bixinaya,waxana muhim ah sida madaxwaynuhu sheegay in qof walibana qofka uu ka dhaqaale badan yahay uu ka canshuur bixin badan yahay,hadii aan dakhli lahelin ma suurta galayso in dalku dhismo .

Wuxuu Madaxwayne Gaas Sidookale u muddeeyay Wasaaradaha Amniga iyo Qorshaynta inay muddo 48-saacadood ah ku soo gudbiyaan dhamaan Hay’addaha Dalka Jooga Caalami iyo waliba kuwa maxaliga ah .Hay’adda Hanti dhowrka Dowladda ayuu Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas faray in shaqada loo idmaday ay u gudato si buuxda.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online