Madaxwaynaha DGPL oo qado sharaf u sameeyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Iyo Cuqaashii la socotay.[Masawiro]

July 30, 2014 - Written by Editor

DSC_5350Garowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland ee magaalada garoowe qado sharaf ugu sameeyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Cuqaashi la socotay ee dhawaan Soo gaaray Magaalo madaxda Caasimada Puntland. Kullanka Qado sharafta ah ayaa waxaa Madaxwayne Gaas ku wehliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Xildhibaano iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Shir gaar ah oo qadada kadib ay wada qaaten Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay,Garaad Saleebaan iyo cuqaashi kale ee la socotay ayay isla qaaten in laga wada shaqeeyo midnaanta iyo wada jirka Puntland.

Sidoo kale Beesha Ugaaryahan oo uu hogaaminayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa sheegtay inay ka aqbashay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gogashii wadahalka ee uu horay u dhigay Madaxweynaha Dawladda Puntland.

no images were found

Xafiiska Madaxweynaha
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online