Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyey geerida Saado Cali Warsame

July 23, 2014 - Written by Editor

Dr.xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabad-diidka ah aysan naga leexin karin dadaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka. Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online