Madaxweynaha DGPL oo booqday dhaawaca Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo gaari kula dhacay Garowe. [Masawiro]

July 26, 2014 - Written by Editor

IMG_4146Garoowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Garoowe ku booqday dhaawaca askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay Afaafka Hore ee xarunta UN-ku ay ku lee yihiin magalada Garowe abaare 7:00 Subaxnimo. Saddex Askari oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda Puntland gaar ahaan kuwii uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka Afar iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala Duwan.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi Saddexdaasi Askari isagoona alle uga baryay in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo Samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,asxaabti iyo waliba shacabka Puntland. Madaxwayne Dr.Gaas ayaa sidookale mid mid ugu booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe Afar iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaaren shilkaasi dhacay,waxana uu madaxwaynuhu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

no images were found

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online