Magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika oo si weyn looga ciiday[Masawiro]

July 28, 2014 - Written by Editor

M3Johannesberg:- Waxaa si wayn looga ciiday maanta oo ah maalin isniin ah ciidii fidriga ahayd guud ahaan dalka Koofur afrika si gaar ah magaalada Johannesberg. Boqolaal ka mid ah Jaaliyadda soomaalida ee Johannesburg iyo jaaliyada itoobiyaanka muslimka ah ee johannesburg ayaa waxay u dareereen saakay barxada wayn ee Forsburg ee magaalada Johnnesburg, waxaa kale oo wehliyay labadaa jaaliyadood muslimiin kale oo wadamo  kala duwan ka kala yimid.

Iyadoo ay muuqanaysay in aan loo kala harin dabaaldaga ciida iyo tukashada salaada ciida, ciroole, dumar, dhalinyaro, iyo caruurba, waxayna u ahayd maanta muslimiinta Koofur afrika maalin qiimo badan ka dib markii si wayn la iskula ciiday sanadkaan. Waxaa barxada ciida maamulaayay golaha dacwada ee Al-bayaan oo soo diyaar gareeyay barnaamijkii ciida ee maanta, waxaa kalimad ku baxaysa afka oromada jeediyay Sheekh isxaaq oo aad ugu dheeraaday in muslimiinta ay mid yihiin islamarkaasna ay maanta oo kale ay muuqanayso midnimada dadka mislimka ah.

Waxaa kale oo kalimad luuqada soomaaliga ah soo jeediyay Sh.Shariif Dawiil oo marti u ah maalmahan majliska albayaan iyo jaaliyada soomaalida sheekha ayaa soo qaaday dhamaanshaha Ramadaan in ay macnaheedu ahayn in ku xirnaantii allah ay dhamaatay, waxaa sheekha uu tilmaamay in la sii laban laabo cibaadadii iyo toosnaantii la muujiyay xiligii ramadaanka, sheekha waxa kale oo dadkii uu aad ugu booriyay sadaqada iyo sidda loogu baahanyahay in ummada ay is kaalmayso taa la,aanteedana aan marnaba horumar bulshadeed aan la gaaraynin.

Intaa ka dib salaadii ciida waxaa tujiyay dadkii faraha badnaa ee isu soo baxay Macalim Cali Towxiid oo ah imaamka masjidka shaafici ee Johannes berg, waxaana khudbadii carabiga ahayd aqriyay sheekh ka mid ah culimada waawayn ee jaaliyada muslimiinta Itoobiya ee Johannesburg.

Waxaa barnaamijkii maanta ee ciida xiriirinaayay Dr.Cismaan oo ku hadlayay luuqada Soomaaliga iyo ingiriiskaba, diktoorka oo jeediyay kalimad ingiiriisi ah ayaa waxaa uu si wayn uga hadlay xasuuqa ba,an ee ka socda Falastiin gaar ahaan Gaza oo uu ku tilmamay in ay ceeb ku tahay bani,aadamnimada, ayadoo yuhuuda ay xasuuqaayaan shacab dhan qaybihiisii kala duwanaa in caalamka uu iska daawanaayo, si gaar ah dadka muslimiinta ayuu ku booriyay diktoorka in loo baahan yahay in si wayn walaalahooda Gaza u garab istaagaan.

Dhan ka kale Mayfair oo ah xaafada ay sidda wayn u degan yihiin soomaalida Johannesburg ayaa waxaa laga dareemaayay farxada ciida iyo dabaaldegyo waawayn oo ay samaynaayeen qaybaha kala duwan ee jaaliyada soomaalida Koofur afrika. Ugu danbaystii ayaa waxaa lagu tilmaamay ciidan in ay ka mid ahayd ciidihii ugu qiimaha badnaa ee soomara muslimka dalkan ku nool si gaar ah Jaaliyada Soomaalida ee johannesburg.

no images were found

Waxaa Diyaariyey
Maxamed Adan Abdille
Madaxa Dacwada Al-bayaan
ee Gobolka Gauteng
Johannesberg

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online