Mu’asasada Al-Minhaaj oo caruur danyar ah lacago ay ku ciidaan Garowe ugu qaybisay.[Masawirro]

July 27, 2014 - Written by Editor

DSC00830Garoowe:-Mu’asasada Al-minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa maantay ciid siin usamaysay in kabadan100 Caruur oo iskugu jirta agoon iyo caruur  aan waxba haysan waxaana dadkaan loo qaybiyay  lacagdhan qofwalba $30 waxaana dhamaan dadkaan oo wajiya dooda lagadheehan karay farxad lagu wareejiyay qofqof iyagoo ilma walba la socdo waaridkood waxaana howshaan soo abaabulay mu,asasada alminhaaj xafiiskeeda mashaariicda khayriga ah .

Waxaa goobta ka hadlay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf waxaana sheekhu sheegay in  talaabdaani tahay mid ku dayasho mudan waxaana uu bogaadiyay mu,asasada alminhaaj gaar ahaan xafiiska mashaariicada khayrigaa in ay siiwado howlahaan oo kale waxaana sidoo kale sheekhu dhamaan dadkii nasiibka u helay ugu baaqaay in aysan iska dayicin ee wax wanaagsan  ku gataan waxaana sheekhu u duceeyay dhamaan ganacsatadii ka qayb qaadatay howshaan iyo cidii fulisay.

Ugu danbayn tii waxaa goobta ka hadlay C/raxmaan Macalim Ibraahim oo ah gudoomiyaha xafiiska mashaariicda ee mu,asasada Al-Minhaaj waxaana uu sheegay in ay dadaal dheeraad ah u galeen sidii looga farxin lahaa agoomaha iyo dadka aan waxba haysan waxaana uu amaanay gudoomiyuhu dadkii wanaaga badnaa ee kala qayb qaatay suurta galinta mash ruucaan waxaana uu balan qaaday in xafiis kiisu sii wadi doono daryeelka dadka aan waxba haysan.

no images were found

Nuur Jaamac
Xafiiska warbaahinta
Mu,asassadda Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online