Muassada Safaa oo qabatay xaflada abaal marinta ardayda Quraanka ku Tartantay.(Masawiro)

July 27, 2014 - Written by Editor

IMG_7015Muqdisho:-Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarina waxay maanta oo taariikhda tahay 29 ramadaan 1435H qabatay xaflad ay ku soo gunaanaday tartankii quraanka kariimka oo lagu qabtay masjidka Abuubakar Ass-adiiq oo ku yaalo moqdisho, tartankaan oo ah midkii sadaxaad o ay mu’asasada qabatay.

Tartanka waxaa isdiiwaangaliyay 206 arday oo ka kala socday dugsiyada quraanka e magaalada mugdisho iyo shabeelada hoose, waxaana lagu tilmaami karaa tartankii ugu balaarnaa ee lagu qabtay Soomaaliya sanadkaan inta aan ognahay. Waxaana la abaalmariyay 12 arday oo ah kuwa kaalmaha hore galay, ayadoo lasiinayo in ka badan 30 arday shahaadooyin taxfiid ah waana kuwa aan galin kaalmaha hore.

Tartanka waxaa ka kala hadlay culumo iyo aqoonyahan, waxaana markii hore lagu furfuray aayado quraanka ah oo uu akhriyay ardaygii galay kaalinta koowaad ee quraanka oo dhan oo lagu magacaabo C.caziiz c.hi daahir, kadibna waxaa kalimad ku saabsan ahamiyadda quraanka jeediyay sh. C.nuur maxamed khaliif oo ku hadlay magaca mas’uulka masjidka, asagoo sheekha umahad celiyay dhamaan dadkii suura galiyay qabashada iyo nidaaminta musaabaqada.

Waxaa kalimad sidoo kale jeediyay Macalin Asad nuur c.raxmaan oo ah madaxa guddiga tartanka quraanka , waxaa sidoo kale ka hadlay madaxa xafiiska xiriirka guud iyo iclaamka e SAFA SH. C.caziiz Cali Xasan oo ka hadlay qiimaha tartanka iyo tarbiyada ubadka iyo dowrka macalimiinta iyo kheyrkooda.

Ugu dambayntii waxa ka hadlay Madaxa mu’sasada Safa e Dacwada iyo Horumarinta SH. Abuubakar x. khaliif oo sheegay mu’assada in ay utaagan tahay wacyi galinta bulshada ka shaqaynta diinta , iyo kor uqaadista dacwada , sidoo kale wuxuu sheegay sheekha in in musaabadaan lagu guulaystay asagoo u mahad celiyay qofkasta oo gacan fiican ka geeystay qabashada tartankaan.

Ka dibna waxaa ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore la guddoon siiyay abaalmarino isuga jira lacago iyo masaaxiif, ayadoo xaflada ku dhamaatay jawi farxad iyo daganaasho ku dheehan.

Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarina
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online