Mu’assasadda Al-minhaaj oo Gaalkacyo ku soo gaba-gabeysay tartan cilmiyeed ay ka qeyb-galeen 13 Masjid [Masawirro]

July 27, 2014 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Mu’assasada Al-minhaaj faraceeda gobolka Mudug ayaa soo gaba-gabeeysay tartan socday bisha Ramadaan kaas oo ay ka qeyb-galeen ardey ka socotay 13 masjid oo ku yaalla Gaalkacyo. Ardayda ka qeyb-gashay tartanka waxaa lugu tartansiiyay,saddex-da kitaab ee kala ah Cilmiga Fiqiga, Siiradda Rasuul(CSW iyo Cilmiga Nax-wada,culimada ayaa ardeyda bilowgii tartanka u akhrisay kitaabadda ay ku tartamen,waxaana akhrin kaddib bilowday wax iska waydinta kitaabadda ay ku tar tamayeen ardeyda oo ay xifdeyeen.

Tartanka waxaa uu ka socday oo lugu soo gaba-gabeeyey masjidka Ramadaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaan ardeyda ka qeyb-gashay ay ka kala socdeen masaajida kala ah:-

Masjidu Raxmo –Garsoor,Masjid Sunna-Garsoor,Masjid Shaafici –Garsoor,Masjid furqaan-israac,Masjid macmuur-Horu-mar,Masjid Abuu-hureya –Israac,Masjid Badar-Israac,Masjid Ramadaan –Garsoor,Masjid Cumar Binu Khadaab-Horumar,Masjid Nasru-lah-Garsoor,Masjid Nuurul-yaqiin-israac-Israac,Masjid Usaama Bin-sayd –Israac,Bukhaari -Garsoor,waxaana masjid kasta ka socday 10 ardey oo isagu jirtay 5 qabdhood iyo 5 wiil,waxaana ay akhjrinayeen kutubta ay ku tartamayeen.

Tartanka markuu soo dhammaaday waxaa abal-marino la siiyey,saddexda Masjid ee ugu sareeyey wiilasha iyo saddexda Masjid ee ugu sareeyey gabdhaha, waxaana abaalmarinada la siiyey ardeyda ay isagu jirtay lacag iyo hadiyaad kale oo qaali ah.

Waxaana dhanka wiilasha ku guuleystey,1. Masjid Ramadaan xaafadda Garsoor,2.Masjidka Nasrullaah oo isna ku yaalla xaafadda Garsoor iyo Masjidka Macmuur oo ku yaalla xaafadda Horumar, waxaana dhanka gabdhaha ku guuleystey 1. Masjidka Shaafici oo ku yaalla xaafadda Garsoor, Masjidu Raxmo oo ku yaalla Garsoor iyo Masjidka Abuuhureyra oo isna ku yaalla xaafadda Israac.

Ardeydu waxaa kalo ay galeen imtixaan guud oo taxriiri ah oo asna laga abaalmariyey 5-tii qof ee ugu sareeysay.

Xiritanka tartankan oo socday bisha Ramadaan ayaa waxaa ka qeyb-galy,culimada gobolka Mudug,maamulka gobolka iyo kan degmada,waxaana dhammaanba ay u mahad-celiyeen mu’assasada Al-minhaaj faraceeda gobolka Mudug oo soo qaban-qaabisay tartanka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda xiritanka,waxuuna tallaabo ku dayasho mudan uu ku sheegay qabashada tartanka.
Ku xigeenka duqa degmada Gaalkacyo,Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa isna si kooban xiritanka tartan diimedka ugu hadlay,waxuuna sheegay in qof aan baran shareecada islaamka aysanba xittaa cibaadu ka ansaxeyn dhibna uu kala kulmayo.

Sidoo kale,waxaa isna hadal jeediyey Dr Aadan Maxamed Cigaal oo ah madaxa Jaamacadda Bariga Africa farecada Gaalkacyo,waxuuna ku hadlay afka musa’assa Minhaaj oo howshaa wadey , wuxuuna ka warbixiyey howsha iyo marxaladaha ay soo martey iyo in ay joogto noqon doonto sannad kasta alle idanka laga sii casriyeyn doono,wuxuu kaloo u mahad-celiya dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay qabsoomida tartanka.

Sh.Maxamed Macalin oo isna ka mid ahaa dadkii munaasabadda xiritanka ka qeyb-galay ayaa si weyn ugu mahad-celiyey musa’assa Minhaaj,waxuuna ku sheegay inay muujiyen dadaal mudan in lugu daydo,isagoona si dheer u sharaxay faa’iidada barashadda shareecada islaamka iyo in lagu gaaro heersare loona tartamo.

Ugu danbeyn,Mu’assastul Minhaaj faraceeda Gaalkacyo waxay abaalmarino shaado sharaf ah guddoonsiisey dhammaan cidii ka qayb-qaadatey oo ay ugu horeysa shirkadda korandda ee (Nepco) oo ayada taxamushey ama qaadatey dhammaan tartankii qur’aanka kariim ah ee gobolka oo dhamaadey bisha Ramadaan dhexdeeda iyo dhammaan shirkadihii kale ee ka qayb-qaatey oo ay ugu horreeyaan xawaaladaha ,dhismaha, kuwa daawada iyo waliba dad muxsiniin ah.

Muss’adda Al-Minhaaj
Gaalkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online