Munadamada Beder oo soo gabagabeeyey Dawro diini ah oo lagu qabtay Gaalkacyo[Masawiro]

July 21, 2014 - Written by Editor

AAGaalkacyo:- Waxaa magaalada Gaalkacy ee xarunta Gobolka Mudug lagu qabtay dowradii 2aad ee la qabto xiliga xagaaaga ayna soo qabanqaabisay Munadamada (Ururka) Beder iyadoo dowradaan lagu baranayo qaar ka mid ah Culuumta Shareecada ayaa Xaflad lagusoo gaba gabaynayo waxaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Amal Palaza Gaalkacyo. Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulka Munadamada , Aqoonyahadii wax ka dhigayay Duruusta Dawrada , Ardaydii Dawrada ka faa’idaysanaysay, Ganacsato , Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Dadwayne kale.

Ka dib Furfurashadii Xaflada iyo Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ayaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo oo Xaflada ka hadlay waxaa uu sheegay inay farxad wayn u tahay in uu Munaasabadaan kasoo qayb galo uuna ka rajayno Ardayda Dawradaaan dhamay satay in waxyaabihii ay ka faa’idaysteen ay dib ugu celiyaan Bulshadooda , isaga oo intaasi ku daray in ay yihiin Ducaada lagu tashanayo ee Mustaqbalka.

Sheekh.C/caziiz Sh.Cali oo isaguna Xaflada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Cilmigu uu yahay Shay qaali ah oo ilaahay uu bixiyo islamarkaana uu siiyo Qofkii uu doorto , waxaana Sh.C/caziiz uu sheegay in Cilmigu uusan waxba tarayn haddii aan laga helin laba Arimood oo kala ah :

Ikhlaas (Ilaahay Dartii) iyo in Cilmiga uu Qofku ku camal falo ,Waxaana Shiikhu uu Ardayda ku booray inay Han sare yeeshaan oo ku aadan u gargaarida Diinta Muslimiinta.
Gudoomiyaha Munadamada Beder Muxamed C/laahi Cali (Sayid) oo isaguna Xaflada ka hadlay ayaa wuxuu ka warbixiyay Dawrada isagoo sheegay in Ardaydu ay qaateen shan Maado oo kala ah :
البحث العلمي يدرسه إبراهيم طاهر أحمد

الفرائض يدرسه عبدالرحمن عبدالنور عبدالله

القواعد الفقهية يدرسها عبدالرزاق عبدالله طاهر

مصطلح الحديث يدرسه يعقوب يوسف حسن

دور الشباب في المجتمع يدرسه الدكتور آدم محمد عجال

Dawrada oo soconaysay Muddo Bil ah 19.Shacbaan ilaa 19.Ramadaan.1435 kuna beegnayd 17.06 ilaa 17.07.2014ayaa Ahdaafta laga lahaa waxay kusoo koobmaysaa :-

1.In la Muujiyo in Diinta Islaamku ay la jaanqaadayso Marxalad walba oo Horumarka Aduunku uu gaaro.

2.In la Helo Dhalinyaro awood u leh inay Baaraan Masaaisha Culuumta Shareecada.

3.In la soo nooleeyo Culuumta Barashadoodu ay aadka ugu liitaan Dadwaynuhu.

4.In la Dhalinyarada la Xifdisiiyo Mutuunta soo koobaysa Aasaasiyaadka Funuunta Culuumta Shareecada.

5.in la soo saaro Dhalinyaro Fahansan Kaalinta kaga aadan Bulshada xaga Horumarka , Dacwada , is badalka , iyo wax soo saarka.

6.in la baro Dhalinyarada Qaacidooyinka ay soo hoos galayaa Masaa’isha Diinta ee Fiqiga ah intooda badan.

Dhanka kale waxaa isaguna ka hadlay Xaflada Dr.Aadam Muxamed Cigaal Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraca Gaalkacyo oo ka mida ahaa Macalimiintii Dawrada wax ka dhigayay.

Siciid Muxamed Mu’min oo ku hadlay Magaca Mu’asasada Al-Minhaaj , C/shakuur Xirsi Qureex Maamulaha Amal Bank Gaalkacyo oo isaguna ku hadlay Magaca Ganacsatada.
Gaba gabadii waxaa Ardayda Kaalmaha hore gashay la gudoonsiiyay Abaalmarino Qaali ah iyada oo si gaar ahna Lacago Abaalmarin ah loo gudoonsiiyay Sadexda Arday ee ugu darajada Sareeyay ImtixaankaDawrada. Ardayda Kaalmaha hore galay waxaa ay kala ahaayeen :-

Kaalinta Magaca Xarunta Waxbarasho Darajada

1. Kaalinta 1aad. Fardawsa Muxamed Cali Ibnu Xajar (Bosaso) 99.8

2. Kaalinta 2aad Asmaa C/razaaq Jaamac Machadka Al-Faruq 98.8

3. Kaalinta 3aad Caaisha C/laahi Warsame Machadka Al-Faruq 98.4

4. Kaalinta 4aad Farxiyo Faarax Jamac Ibnu Xajar (Bosaso) 98.2

5. Kaalinta 5aad C/laahi Axmed Faarax Cumar Samatar 98

6. Kaalinta 6aad Ijaabo C/razaaq Jaamac Machadka Al-Faruq 97.6

7. Kaalinta 7aad Zahra Yuusuf Axmed Machadka Al-Faruq 97.6

8. Kaalinta 8aad C/raxmaan Faarax Bootaan Yamays 97.2

9. Kaalinta 9aad Deeqo C/qaadir Xirsi 96.6

10. Kaalinta 10aad Samiira C/rashiid Cali Machadka Al-Faruq 96.6

no images were found

Xoghayaha Munadamada
Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online