Puntand oo ku dhawaaqday in maalinta berito ah inay tahay Ciid.

July 27, 2014 - Written by Editor

wasiirGaroowe:-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame oo Warbaahinta kula Hadlay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa sheegay in meelo badan oo Puntland ah laga arkay Bisha. ’Meelo badan oo katirsan Puntland ayaa laga arkay Bisha sida Gobolka Bari ayaa waxaa laga arkay Magaalada Xiriiro,Gobolka Kar Kaar ayaa laga arkay Magaalada Duud hooyo iyo Sidookale Magaalada Qardho Gobolada Nugaal iyo Mudugna waa laga arkay’’Ayuu yiri Wasiirku .

Intaas kadib ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu shacabka Puntland iyo Dhamaan umadda muslimiinta ah ugu hambalyeeyay Bilashada Bisha,isagoona Alle uga baryay in Caafimaad ay ku ciidaan musliminta oo idil.

‘’Waxaan ugu hambalyayna umadda Maalinta Ciida,waxana ilaahay uga rajaynayaa dhamaanteenba in guul bash bash iyo bar waaqo aanu ku gaarno Sanadka danbe,intii dhimatay oo aan ognahay in ay kujireen dad nagu qaali ah ilaahay ha unaxariisto’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas. Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas ayaa sidookale shicibwaynaha Puntland ugu baaqay in ay si wadajir ah uga shaqeeyan amniga iyo Kala dambaynta kajirta Puntland si barwaaqo loogaaro.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online