Puntland oo xiriirka u jartay DFS wadatashina ugu yeertay xubnaha uga jira DFS.[Masawiro/Cod]

July 31, 2014 - Written by Editor

PresGaroowe:-Waxaa caawa shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiiradda ka dib shir deg deg ah oo ay caawa ku yeesheen xarunta madaxtooyadda ee Garoowe. Shirkaan ayaa golaha xukuumadda ee dowladda Puntland oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha DGPL Dr Gaas waa looga hadlay maamul shalay la shaaciyey in loo dhisayo gobollada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Gal-Gaduud.

Markuu uu shirka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay  Madaxweynaha DGPL Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas  oo sheegay in ay xiriirkii u jareen DFS ka dib markii ay ka leexdeen Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya degaano ay Puntland ka talisana ay faragelin ku sameeyeen. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas  ayaa wadatashi ugu yeeray mudo 15 cisho ah Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland iyo weliba Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Caasha Geele.

Ugu dambayn dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka xun tahay in beesha caalamku goob joog ka ahaadaan qorshihii Muqdisho shalay lagu gaaray, waxayna sheegtay wixii ka yimaada oo dhibaato ah inay dusha saarandoonto xukuumada Soomaaliya. Maalintii shalay ayay ahayd markii madaxda dowladda federalku soo bandhigeen hishiis ay ku tilmaameen in maamul heer federal ah loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud

Hoos ka eeg Go’aamadii ka soo baxay ka soo baxay shirkii Golaha Xukuumadda dowladda Puntland Khamiis 31./07/2014

Dowladda Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u- samaynta Gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014 Markay eegtay dastuurka Dawlada Federaalka Qodobka 50aad, Faqradiisa 5aad iyo 6aad Markay aragtay dastuurka dowladda Federaalka ah Qodobka 52aad, faqradiisa 2aad xarafka -B- iyo faqradiisa 3aad Waxay go’aan ku gaartay sida soo socota:-

1. Dowladda Puntland waxay ka soo hor-jeedaa heshiiskii maamul-u-samaynta Gobolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed.

2. Dowladda Puntland waxay aad uga xun tahay ka-qaybgalka Xubnaha Beesha caalamka heshiis khilaafsan dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliyeed.

3. Waxay dowladda Puntland nasiib-daro u aragtaa in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor imanaya Dastuurka dawladda federaalka ah, iskana horkeenaya Bulshada Soomaaliyeed.

4. Dowladda Puntland waxay wada-tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Golayaasha dowladda dhexe ee ka soo jeeda deegaamada Puntland muddo 15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15 August 2014.

5. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga Wakiilka aheyd Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, Marwo Caasha Geelle Diiriye.

6. Dowladda Puntland waxay go’aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojisay wixii xiriir iyo wada-shaqayn ah ee ay la laheyd dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliyeed.

7. Dowladda Puntland waxay cadaynaysaa wax alla wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta Gobollada dhexe ee lagu sheeganayey qaybo ka mid ah Deegaamadda Puntland ay mas‘uul ka tahay Dawlada Dhexe.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id Madaxweynaha Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/mjde9cxd1f/gaasiyoxiriirkadfs.mp3
]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

no images were found

Nuur Jaamac
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online