Raabidada Macaahida sharciga ee Soomaaliya oo dowro maanta u furtay arday ka socota 12 Machad.[Masawiro]

July 30, 2014 - Written by Editor

IMG_2305Laascaanood:-Waxaa maanta oo ay taariikhdu 30/7/2014 ay raabidada Macaahida sharciga ah ee soomaliya ufurtay dowro socon doonta muddo 3maalmood ah arday ka socotay 12machad oo isaga kala yimi magaalooyin kala duwan oo ka mid ah wadanka soomaaliya,kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Bosaaso, Gaalkacayo, Burtinle, Goldogob, Garoowe, Lascanod, Ceerigaabo, Buuhoodle, Burco, Borama, Hargeysa, taas oo ka furantay magaalada Lascanod ee xarunta Gobolka Sool.

Xafladdii Furitaanka dowradaan ayaa waxaa ka soo qayb galay ducaad iyo Culimo ka socday magaalooyin kala duwan,Maamulka Gobolka Sool,dadweyne kala duwan,iyo mu’asasooyin fara badan iyagoona ugu horeyn sheegay in ay ku faraxsan yihiin kasoo qaybgalka kulankan balaadhan,una mahad celiyey raabidada macaahida sharciga ah ee soomaaliya oo soo qabanqaabisay dowradan, iyo waliba Golaha Ardayda ka baxday Machadka alfurqaan ee magaalada Lascanod oo marti geliyey dowradan.
Ujeedada dowradan loo furay ayaa ah: sidii loo xoojin lahaa walaaltinimada u dhaxaysa ardayda ka baxda macaahida,sidii laysugu xidhi lahaa ardaydaas iyo Culimada Soomaaliyeed,sidii loo soo saari lahaa da’yar udiyaarsan hogaaminta bulshada dhamaan dhinacyada kala duwan, sidii loo diyaarin lahaa buxuus kala duwan,iyo sidii loogu samayn lahaa dhamaan ardaydaas raabido isku xidha meel walba oo ay joogaan.
ugu dambayntiina Dowradan ayaa waxaa la bixi doono kelmado kala duwan oo culimada iyo ardaydu soo jeedin doonaan,warbixino ay ardaydu ka bixin doonaan magaalooyinkooda,macaahidooda,ururadooda iyo waxa ay magaalooyinka ka qabteen,iyo waliba tartano u dhexeeya macaahida.
Culimada kasoo qabygashay Dowradan :
1.Sh .c/naasir X.axmed Yuusuf
2.Sh Axmed Max’ed Sulaymaan
3.Sh Axmed C/samed Cabdallah
4.Sh Faysal Max’ed Cumar
5.Dr.Xasan Sh.Cali Warsame
6.Sh.xasan khayre Dirir
7. Sh yuusuf Haybe Ibraahim
8.Sh max’ed C/laahi Xoosh
9.Sh c/laahi khaliif jaamac
10.Sh mustafe max’ed Allabari
11.Sh axmed Faarax Warsame(Garaase)
12.Sh Max’ed Ibraahim Jaamac
13.Sh c/laahi Yuusuf(abuu macaali)
14.Sh C/naasir Cali Barkhad
15.Sh.c/weli Xasan Cabdalla
16.Sh.Xasan Muuse Nuux
Macaahida kasoo qaybgashay iyo Magaalooyinkooda:-
1.Machad alsunnah(muqdisho)
2.Machad ibnu xajar( Bosaso)
3.Machad ibnu kathiir ( Ceergaabo)
4.Machad alfurqaan( Buhodle)
5.Machad albukhaari( Goldogob)
6.Machad alhidaaya( Burtinle)
7.Machad khadiija( Garowe)
8.Machad alfaaruuq ( Gaalkacayo)
9.Machad saylac ( Borama)
10.Machad aldacwa ( Hargeisa)
11.Machad imaamu shaafici ( Burco)
12.Machad alfurqaan ( Lascanod)

no images were found

Ahmed Said Bile 
Xafiiska Iclaamka- Golaha Ardayda Ka baxday
Machadka alfurqaan -Lascanod

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online