Sh.Shariif Dawiil oo ka bilaabay Johannesburg dowro diini ah.[Masawiro]

July 29, 2014 - Written by Editor

DSC07643Johannesburg:-Waxaa saakay oo ahayd talaado 02da bisha shawaal oo waafaqsan 29/07/2014 ka bilaabmay masjidka imaamu shaafici johannesburg waxaa ka bilowday dowro diini ah oo uu bixinayey Sh.Shariif Dawiil. Salaada subax ka dib sheekha waxaa uu bilaabay usuulu fiqi (imtaacul cuquul) oo ah kitaab mucaasir ah oo aad u fiican lagana soo gaabiyey Kitaabka Rowdaha ee Usuulka, sheekha bacdal maqribna waxaa uu bilaabay dowro Tafsiirka oo uu ka bilaabay suuratu nuur, bacdal cishaa waxaa uu sheekha galay dowro naxwo ah oo laga bilaabay kitaabka Al-ajruumiyah.

Waxaa aad u soo buuxiyay masjidka arday badan oo sheekha aad u xiiseenaysay, ardaydaas oo aan hadda ka hor u suurta gelin in sheekha ay hor fadhiistaan ayagoo kala socon jiray un qalabka wax laga dhagaysto kaliya duruustiisa.

Sh.Shariif Dawiil oo ka mid ah culimada caanka ku ah aqrinta cilmiga sharciga ah iyo naxwaha ayaa waxaa martiqaad u fidiyay Majliska Al-bayaan oo ah majlis ka shaqeeya dalkan Koonfur Afrika arrimo badan oo ay u muhiimsan tahay dacwada islaamka.

no images were found

Waxaa Diyaariyey
Maxamed Aadan Abdille
Madax Dacwada Al-bayaan
ee Gobolka Gauteng
Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online