Shirkada barwaaqo oo 2 geela u iibisay maxaabiista iyo Mu,asasada Al-minhaa oo fulisay.[Masawiro]

July 30, 2014 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa mashruucaan maxaabiista geela loogu qalayey  loogana farxiyay boqolaal maxaabiis ah oo duruufo kala duwan ku sugan  ,mashruucaan ayaa waxaa maalgaliyay shirkada Sibirka ee Barwaaqo waxaana fulisay Mu,asasada Al-minhaaj xafiiskeeda mashaariicda khayriga ah . Farxadaan ayaa ah mid kusoo beegmaysa xili ay maxaabiis badan ku xiran yihiin saldhigyada kale duwan  ee magaalada Garowe maxaabiistaan oo ku kala xukuman xabsiyo  kale duwan .

Waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha xafiiska mashaariicda ee Mu’ssada Alminhaaj C/raxmaan Macalim Ibraahim  oo faahfaahin dheeraada ka bixiyay mashruucan iyo qiimaha  uu bulshada  u lee yahay isagoo uga mahad celiyay shirkadda barwaaqo  waxaana uu sidoo kale ugu baaqay shirkadaha  kale in ay ku daydaan .

Waxaa isna dhankiisa ka hadlay gudoomiyaha mu,asasada Alminhaaj gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Oo u mahadceliyay shirkada barwaaqo iyo xafiiska mashaariicda  ee Minhaaj waxaana uu alle uga rajeeyay khayr badan waxaana uu baaq u diray shirkadaha allah wax siiyay in ay ogaadaan maxaabiista iyo dhamaan dadka aan waxba haysan .

Waxaa iyana dhan kooda soo dhaweeyay geelaan Mu,asasada Minhaaj iyo Barwaaqo soo gaarsiiyeen labada taliye ee xabsiyada loo qaybiyay geelaan waxayna u duceeyeen shirkadii bixisay iyo Mu,asasada Minhaaj oo fulisay waxayna shirkadaha kale ugu baaqeen in ay ku daydaan talaabadaan ku dayashada mudan .

no images were found

Nuur Jaamac  Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Alminhaaj

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online