Tartanka Quraan Akhriska oo bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyey Buuhoodle.[Masawiro]

July 27, 2014 - Written by Editor

SAM_1489Buuhoodle:-Tartanka Quraan Akhriska oo bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku tartama yeen 37 arday oo ka kala socdey madarasadaha Buuhoodle ayaa lagu soo gaba gabeeyey Masjidka Weyn ee Buuhoodle. Munasibada Xiritaanka Tartanka Quraan akhriska oo ay kasoo qaybgaleen, culimo, cuqaal, Isimo, macalimiin, arday & waalidiin ayaa Jaa’isooyin lagu gudoon siiyey ardaydii kaalmaha kala duwan ku guulaystey intii tartanku socdey.

Ugu horayn waxaa lagu furay Aayado Quraan ah & wacdi kooban oo uu soo jeediyey Imaamka Masjid Jaamaca Buuhoodle intaas kadibna waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Jumciyatul Nuur oo soo qaban qaabisay Tartankan Cumar Maxamuud Maxamed isagoo ka warbixiyey tartanka & marxaladihii uu soo maray mudo todobad ah oo uu socdey. Qaar kamid ah bulshadii kasoo qaybgashay munaasibada xiritaanka Tartanka Quraanka Kariimka ah, oo isugu jirey, Cuqaal, Culimo, Odayaal & waxgarad kala duwan ayaa dhamaan tood bogaadiyey ardayda u tartamaysey madarasaha kala duwan ee Buuhoodle kuwaasoo la isku raacay inay dedaal dheeri ah muujiyeeen sanadka. Ugu danbayna waxaa munaasibada soo afmeeray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

Gabagabadiina waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyey ardaydii galay kaalmaha kala duwan ee qaybaha Tartanka iyadoo uu abaalmarinaha gudoonsiiyey Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

no images were found


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online