Tartanka Quraanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ka furmay Buuhoodle.[Masawiro]

July 20, 2014 - Written by Editor

DSC02987Buuhoodle:- Jumuciyada u adeegista Quraanka Kariimka ah ee Jumciyatul Nuur oo soo qaban qaabisay tartanka ayaa munaasibada balaadhan oo lagu daahfurayey ku qabatay masjidka weyn ee magaalada Buuhoodle . Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan, Issimo, Cuqaal, Culimo Arday, Waalidiin,jaamacadda bariga afrika faraca Buuhoodle, Bahda Warbaahinta, macalimiinta madarasadaha & arydayda ka qaybgelaysa Tartanka ayaa ka soo qayb galay munaasibada lagu daah furayey tartanka Quraanka Kariimka ah.

Sh Cumar Maxamuud Maxamed oo ah gudoomiyaha Jumciyada Al-Nuur ee gobolka Cayn oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Tartanka ay ka qayb gelayaan ilaa 13 madarasadood kuwaas oo ku tartami doona mustawayaal kala duwan.

Intaas ka dib waxaa hadalka isaga danbeeyey, Culimo, Aqoon yahano, Waalidiin, Macalimiin & dadkii kasoo qaybgalay munaasibada furitaanka Tartanka Quraanka kuwaasoo dhamaan tood bogaadiyey hawsha ay isu xilsaartay Jumciyada Al-Nuur ee Tartanka Quraanka Kariimka ah. Issimada gobolka cayn ayaa ugu danbayntii soo gunaanaday munaasabadda si rasmiyana ugu furay ardaydii tartanka quraanka.

no images were found

Halgan.et/Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online