Tartankii Qur’aanka Kariimka ee Heerka Puntland oo Furmay (Masawiro+Video)

July 18, 2014 - Written by Editor

9Garoowe:-Maanata oo bisha ramadaan ahayd 20 sanadka 1435H kuna began 18/07/2014M waxaa ka bilowday masjidka al hudaa ee magaalada garoowe tartankii qur,aanka kariimka ahaa, furitaanka ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha dawlada Puntland, wasiiro, xildhibaano, culimo awdiin,wax garad, ardaydii tartamaysay,iyo bulsho aad u tiro badan.

Gudiga tartanka Qur’aanka kariimka ee Puntland oo metelayey Mu’asasada al minhaaj ayaa ugu horayn tibaaxay heerarka uu soo maray tartankani, sheegayna inuu yahay sanadkii afraad oo is daba jog loo qabto, waxa uu tilmaamay in is reebreebkii degmooyinku uu ka qabsoomay bisha bilowgeedii 12 degmo oo ka tirsan Degaanada puntland, kuwaasoo ay kasoo baxeen ardayda ku tartamaysa magaalada garoowe, tiradooduna dhantahay 34 oo kakala yimi 12 degmo, waxayna ku tartmayaan sadexda heer eek ala ah 30jus 20jus 10jus.

Waxa kale oo gudigu tilmaamay in ay ka qaybqaateen dhiiri gelinta iyo qabsoomida tartanka Madax waynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali gaas, shirkadaha ganacsiga,sida shirkada taleefoonada Golis, Barwaaqo,Salaama Bank, Somtel,iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa kale ee xaflada furida ka hadlay sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf oo tibaaxay Qiimaha uu leeyahay tartankani, alle agtiisana ajarka iyo abaalka laga helaayo, waxa uuna uga mahad celiyey kasoo qaybgalka madaxwaynaha, iyo labada gole, wuxuuna ku dhiiri geliyey inay horay u sii wadaan taageerida tartanka Qur,aanka Kariimka ah.

Isla xaflada furitaanka waxaa ka hadlay Duqa Degmada Garoowe Mudane: C/casiis Nuur Cilmi Koor isaga oo ku soo dhoweeyey dhamaan tartamayasha magaalad garoowe, bogaadiyena habsami u socdka tartanka,isla markaana muujiyey magaalo ahaan sida ay ugu faraxsan yihiin in sanad walba lagu qabto tartankaan magaalada garoowe, bogaadiyeyna abaabulka iyo dawrka mu’asasada al minhaaj ay ku lahayd taaba gelinta tartanka.

Waxa kale oo xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Diinta Mudane :Ismaaciil Maxamed Warsame oo muujiyey sida uu ugu faraxsaanyahay tartanka Qur,aanka Kariimka ah isla markaana tilmamay in la taageero sidii da’yarta loogu dhiiri gelin lahaa barashada Qur’aanka Kariimka.

no images were found

Hoos ka Daawo Tartankii Qur’aanka Kariimka ee Heerka Puntland oo Furmay (Video)

Ugu danbayn waxaa hadalka qaatay Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas isaga oo aad ugu dheeraaday Dareenka uu maanta dareemaayo iyo sida uu ugu faraxsanyahay inuu goob joog ka noqdo maanta tartankii loo qabanayey kuwa xanbaarsan Kitaabka Alle,waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday sida ay muhiim u tahay in xil gaara la iska saaro in la hormariyo madaarista lagu barto qur,aanka kariimka ,amaanayna waalidkii barbaariyey ubadkaan,sababtana u noqday in ay heerkaan soo gaaraan, isla markaana bogaadiyey mu’asasada Al minhaaj oo soo qabanqaabisay tartankaan iyo shirkadaha ka qayb galay taaba gelinta tartanka Qur,aanka kariimka ah. Sheegayna in mas’uuliyada dawladu ay tahay difaacida diinka,maalka,iyo sharafta qofka soomaaliyeed ee degaanada puntland, ugu danbayntiina waxa ku dhawaaqay madaxwaynuhu inuu furan yahay tartanku.

Musasat Al-Minhaaj
Garoowe
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online