Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray magaalada Kismaayo

July 22, 2014 - Written by Editor

wafdi AUKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone  ayaa  gaaray magaalada Kismaayo  ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.Michele Cervone Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu kulan gaara la qaatay Madaxweynaha Maamulka  KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan,( Axmed madoobe) iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Jubba.

Markii uu kulanka u dhexeeya Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,  iyo Madaxweynaha Juba uu soo idalaaday ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay labada Masuul waxaana ay sheegeen in ay ka wada hadleen qaabkii loo horumarin lahaa Jubbaland. Midowga Yurub ayaa dhaqaale u yaboohay Maamulka Juba si wax looga qabto arimaha amaanka ,adeega bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ,iyo horumarinta dib u heshiisiinta dadka wada dega deegaanada Jubooyinka.

Wafiga uu horkacayey Michele Cervone Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa booqashadiisa Kismaayo ku weheliyey Safiirada wadamada Sweden,Talyaaniga,  iyo Ingiriiska.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online