Wafdi uu hogaaminayay Garaad Saleebaan oo lagu soo dhaweeyey Garoowe[Cod/Masawiro]

July 26, 2014 - Written by Editor

IMG_4028Garoowe:-Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay Wafti balaaran oo uu hogaaminayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .Soo dhaweynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camay Wasiir,Xildhibaano,Waxgarad,Aqoonyahano iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee Gobolka Nugaal.Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Garaadka iyo Cuqaashi la socatay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Farxad iyo Rayn Rayn weyn ayay noo tahay ka Puntland ahaan ka shacab ahaanba inaanu soo dhaweyno Maanta Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Cuqaasha la socotay ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. ‘’Waxaan is leeyahay Garaadku idinkama maqneyn ee Safar dheer oo muddo qaatay ayuu nagaga maqnaa hadii uu ka soo laabtayna meel nagama jirin,niyadayadana kama maqneyn,quluub tayadana kama maqneyn ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Xuuumada iyo Shacabka Puntland uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntii Balaarneyd ee ay ugu sameeyen Magaalada Garoowe. ‘’Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’Sidaasi waxaa yiri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. ‘’Diyaarad Koonfur katimid oo iska guuxaysa oo gudaysa baa dadkii bur burisay  si loo qabtaa lagaran waayay waxbaa lagu qafilay Mushaakil badan ayaa jira ‘’Ayuu hadalkiisa raaciyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

no images were found

Hoos ka Dhagayso hadalkii uu jeediyey Garaad Saleebaan soo dhaweyntiisa ka dib

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/meilkr0kqm/garaadsaleebaan.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha DGPL Dr Gaas oo ka hadlay soo dhaweynta Garaad Saleebaan

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/cm9czte9pc/gaasgaraad.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online