Wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Leicester

July 31, 2014 - Written by Editor

jooLeicester:-Waxaa maalintii shalay oo aheyd Talaado aheydna maalintii labaad ee ciidda si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan maamulka dowladda Puntland ee soomaaliya. Mas’uuliyiinta waxaa ka mid ahaa wasiiradda haweenka iyo horumarinta qoyska Marwo Aniisa Xaaji Muumin, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada Xoolaha Mudane Cabdiwali Seed, Gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu Mudane Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed (Iidi) iyo waliba aqoonyahanad reer Puntland ah oo aheyd gabdhii geysay qalabkii qiimaha lahaa ee caafimaad isbitaalka Caluula ee gobolka Gardafuul marwo Aamino M Muuse.

Ugu horeyn xafladda waxaa lagu furay aayadaha Quraanka oo uu noo aqriyey Macalim Axmed Siciid Maxamed Allaha ka abaal mariyee. Kadib gudoomiyaha jaaliyadda reer puntland ee Leicester ayaa halkaas ka jeediyey hadalo soo dhaweyn iyo warbixin isugu jirtay oo uu ugu talagalay munaasabadda. Kadib waxaa hadalkii qaatay Cabdikeyf Bashiir oo ku hadlayey magaca aqoonyahanada reer puntland ee Leicester. Kadib isaguna waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay qoraaga Axmed Salaad Ganeey oo halkaas uga faa’ideystay isagoo kusoo bandhigay buug uu qoray oo ka hadlaya wax tacbashada qaas ahaan beeraha.

Kadib waxaa hadalkii lagu wareejiyey aqoonyahanada Aamino Maxamed Muuse oo ka warbixisay xaaladaha caafimaad ee deegaanada puntland iyo waxyaabihii ay ku soo aragtay. Kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu Mudane Cabdulqaadir Yuusuf Iidi oo ka warbixiyey xaaladaha deegaanadaas iyo sida uu howshiisa u guda gali doono marka uu xilkaas la wareego inshaa’allaah. Kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha puntland mudane Cabdiwali Seed oo runtii aad ugu dheeraaday mihiimada ay xooluhu dalkeena u leeyihiin iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’ideysto, sidoo kalena ku booriyey qurbojoogta in ay maalgashadaan xoolaha dalkeena oo runtii dhaqaalaha dalkeena lafdhabar weyn u ah.

Ugu danbeyntii waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Marwo Aniisa Xaaji Muumin oo runtii aad loo wada sugayay kana jeedisay halkaas qudbad dhinacyo badan taabenysay. Aniisa waxa ay si weyn uga hadashay guud ahaan xaaladaha puntland gaar ahaan doorka qoysku uu bulshada ku leeyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo bulsho caafimaad qabta oo ka qeybqaadata horumarka dalka. Waxa ay sidoo kale ka hadashay in ay muhiim tahay in la helo ama laga shaqeeyo sidii loo hormarin lahaa waxbarashada dumarka iyo waliba guud ahaan dhalinyarada rag iyo dumarba. Kadib waxaa laguda galay su’aalaad loo soo jeediyey mas’uuliyiinta iyo mas’uuliyiintoo aad u qanciyey jaaliyadda ugan jawaabay su’aalahoodii.

Runtii xafladdu waxa ay kusoo gabagabowday jawi aad u qurxoon , waxaa xafladda xiriirinayey gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Leicester mudane Cabdixakiim Jaamac Jooje. Xafladda waxaa soo qaban qaabiyey guud ahaan jaaliyadda reer puntland ee Leicester gaar ahaan gabdhaha reer Puntland ee Leicester. Waxaa mahad gaar ah iska leh Faadumo Jabbaan, Xaliimo Saalax, Wardi oo isagu xaga mediaha inoo qaabilsanaa, Farxaan, Socopa oo inaga saaciday dhanka microphoneda iyo guud ahaan intii gacanta weyn ka geystay qabanqaabada xafladda.

Waxaan mar labaad u mahadcelinaynaa guud ahaan dadkii kasoo qeybgalay xafladda iyo mas’uuliyiintii sharafta laheyd ee waqtigooda qaaliga ah wax inaga siiyay.

Mahadsanidiin

Xafiiska jaaliyaada puntland ee Leicester.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online