Xafladda furitaanka tartanka quraanka Masjika abuubakar ee Muqdisho

July 16, 2014 - Written by Editor

DSC02249Muqdisho:-Waxay Mu’asasada SAFA ee Dacwada iyo Horumarinta qabatay maanta oo ay taariikhda tahay 18- 9- 1435H xafladda furitaanka tartanka quraanka kariimka oo lagu qabanayo Masjika abuubakar assidiiq oo ka mid ah masaajida magaalada Muqdisho , waana tartankii sadexaad ee quraanka oo ay qabatay Mu’asasadu.

Waxaa xaflada laugu furfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay mid ka mid ah araydii ku tartamaysay quraanka, ka dibna waxaa kalimad soo dhaweyn iyo mahad celin isku gu jirta jeediyay Sheekh C.nuur Maxamed khaliif oo ku hadlay magaca maamulka masjidka ,wuxuuna si kooban oogu mahad naqay maamulka mu’asasada, culumada iyo jamaacada masjidka oo gacan wayn ka gaystay qabashada iyo qabanqaabada tartanka.

sidoo kale waxaa kalimad qiimo badan ka jeediyay Macalin Asad nuur c. raxmaan oo ah madaxa guddiga tartanka quraanka wuxuuna ka hadlay qaabka uu guddiga u nidaamiyay tartankaan, sidoo kale wuxuu Macalinka xusay in tirada ardayda hadda ka qayb galayso tartankaan ay ka badan yihiin labadii tartan ee ka horeeysay “Ardayda hadda is qortay waxay gaarayaan 206 arday” ayuu yiri Macalinka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda SH. C.Caziiz Cali Xasan oo ah madaxa xafiiska xiriirka guud iyo iclaamka ee M. SAFA ka hadlay ahamiyadda tartanka iyo faa,idadiisa iyo in uu yahay shey qiimo badan oo Ilaahay loo gu dhawaado, Mu’asasdana ay iska xilsaartay qabashadiisa .

Waxaa kalimadii gunaanadka xafladda soo jeeday SH. Abuubakar X. Khaliif oo ah Maamulaha Mu’asasda SAFA ee Dacwada iyo Horumarinta oo ka hadlay qiimaha uu leeyahay qadarinta kitaabka Alle iyo qiimaha uu leeyahay qofka xifdisan kitaabka Alle, iyo in kitaabka Ilaahay lagu cizoobo, sidoo kale waxuu sheegay sheekha dowrka ay mu’asada ka qaadato dacwada iyo wacyi galinta bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah.

no images were found

Kadibna guddigii tartanka ayaa bilaabay tartanka quraanka oo ku bilaabay ardayda ku tartameeysa shanta juz, waxaa kuxugi doono ardayda kudar tameyso toban ka labaadanka iyo sodonka juz .

Mu’asasada SAFA ee Dacwada iyo Horumarinta
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online