Xusuusin naftayda iyo tiinaba W/Q Sh Maxamuud Sh Xassan

July 26, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Ciiddu waa muuqaal tilmaamaya Caqiido, tawxiid iyo weynaynta Allaah.Waxaana lagu dhawaaqaa الله أكبر الله اكبر الله  أكبر لاإله إلا لله الله أكبر الله أكبر ولله الحمد Taas oo macnaheedu tahay inaad qalbigaaga kasaarto,kanadiifiso,kaxaaqdo waxkasta oo laweyneeyo oon Alla ahayn Subxanahu watacaalaaa,waayo asagaa mudan in laweyneeyo,laqadariyo,lasharfo. Marlabaad waxay muujinaysaa cibaadada in Allaah khaalis looga dhigo oo ayna sinaba ku banaanaan,karin in Ilaahay wax kale iyo cidkale lala baryo,lala tala saarto,lala rajeeyo,lala caabudo ee uu isagu gooni uleeyahayلاإله إلا الله  subxaanahu watacaalaa.

Ciiddu waa muuqaal tilmaamaya Shukrinta Allaah  ولله الحمد waayo dadku waxay ilaahay oogu xamdiyaan nicmooyinkiisa badan een lasoo koobi karin waxaana laga tilmaami karaa inuu bishii Ramadaan oogu khatimay barwaaqo,caafimaad ,waa fajiyayna inay soomaan maalintiisa habeenkiisana istaagan ayagoo Allaaah amarkiisa fulinaya subxaanahu watacaalaa.  isla markaana waydiisanaya inuu gaarsiiyo Ramadaankaan kiisakale.

Ciiddu waa muuqaal tilmaamaya Midnimo iyo wadajir, waayo adduunka meel alla meesha uu Muslin joogaba wuxuu kudhawaaqaa الله أكبر sidaa daraadeed codkoodu waa mid. Waa dhoola tus dhanka  iimaanka dhanka tirada dhanka ciidanka,dhanka ismaqalka iyo dhanka dhaqaalhaba( Zakatul fitriga iyo zakalatul maalkaba).Waa farriin kusocota gaalada iyo inta neceb inay soo muuqato awoodda Muslimiinta ,tasoo ah (ogaada ciidankii Khaalid binu waliid iyo Xamza binu Cabdil mudhalib waa soo gallanyihiin waqti aan fogayn.

Waxayna wataan ciidanka aad arkaysaan) ,bas hal arin ookaliya ayaa kadhiman?Tolow arin kaasi maxuuyahay? Arinkaasi wuxuu yahay qofkasta oo muslim ah qalbigiisa waxaa fadhiya iimaan iyo sokor macaan, kaliya waxaa dhimman goortii iyo waqtigii sokortaasi lawalaaqi lahaa  Allaahu akbar Allaahu akbar Alalahu akbar. Ciiddu waa muuqaal tilmaamaya: Naxariis,raxmad,iscafin,qaraaba xirrin,nadaafad,farxad iyo…  تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال Halkaasi waxaan kusoo afjarayaa qoraalkii koobnaa ee lamagacbaxay Xusuusin naftayda iyo tiinaba:

Waxaana mahad balaaran u,celinayaa walaalaha lasocday qormadaan ee waliba taloyinka sixidda  iyo dhiiri galinta intaba igala bakheylin.Waxaan kaloon idin ballan qaadi inaan sharxi doono ka dibna ka dhigi doono Buug kooban  oo waqti gaaban lagu aqrin karo  in shaa allaahu tacaalaa.

Hoos ka aqri  canaawiintii aan wax ka qoray oo kooban

1.Qiimaha waqtiga
2.qalbiga
3.qur,aanka
4.cafiska
5. Runta
6. Qaraabada
7.cadliga
8.deeqsinimada
9.sabirka
10.qeybaha dadka
11.qofka oo ku qanca wixii loo qoray
12.murugada
13.guusha iyo guuldarda
14. gacmo wadajirbay wax ku gooyaan
15.towbada
16.qiimaha maalinta jumcada ah
17.nafta oo lala xisaabtamo
18.istawuu taqaarabuu
19.maxaad ku faraxdaa raaci sabaabta?
20.dhadhan xumada dhalinyaradra iyo dhoohanaanta waalidka
21.geeridu waa xaq
22.habeenka laylatul qadar
23.haquusannina
24.baryada Allaah
25.shalay iyo maanta
26.Astaamaha maalinta qiyaamo
27.Caafimaadka.
28.sagootin murugo badan
29.maalinta ciidda ah.

@Abu Dalxa
Aslamau calaykum

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online