Al-shabaab oo weeraray xarunta nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 31, 2014 - Written by Editor

weerarMuqdisho:-Dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaadeen xarunta nabad sugida  ee gobolka Banaadir iyadoo dhalin yaradaan uu dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan nabadsugida dagaalka xoogiisu uu ka dhacay Godka Jilacow. Weerarkaan ayaa waxaa fuliyey ilaa 8 dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab waxaan ay qorshahoodu uu ahaa in ay gudaha u galaan xarunta nabad sugida ee Gobolka Banaadir waxaan dagaalka la isk adeegsaday hubka fudud iyo bambaanooyin.

Afhayeenka  wasaaradda amniga  ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidanka nabadsugida ay dileen ilaa 7 ka tirsan ciidanka Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday xarunta nabadsugida halka mid kalena uu is qarxiyey. Afhayeenka  wasaaradda amniga  ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in ciidanka dowladda ay ka dhinteen 3 askari iyo hal qof ah oo shacab ah, ayna ciidanka nabasugidana  DFS ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-shabaab.

Dhinac kale masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay  ku qaadeen xarunta nabadsugida ay guul ka gaareen khasaaro fara badan ay gaar siiyeen ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saacaddaha soo socda ayaa la sugaa  in madaxda Al-shabaa ay la hadlaan saxaafadda ayna ka warbixin doonaa weerarka ay ku qaadeen xarunta nabadsugida e e Godka Jilacoow.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online