Bayaanka Gabogabada Shirkii 13-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika

August 21, 2014 - Written by Editor

c-logo1-300x2861Columbus:-Waxaa maanta si habsami leh ugu soo gabogaboobay Hotel Ramada Plaza ee magaalada  Columbus, OH shirkii 13–aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, shirkaas oo socday August 15-17, 2014.  Shirka sanadkan ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin sidii loo hor marin lahaa dacwada iyo dadaalka ay wadaan maraakista Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, iyo sidii ummada Soomaaliyeed ee qurbaha joogta loogu dhiiri galin lahaa sidii ay diintooda ugu dhaqmi lahaayeen iyo arrimo kale oo badan oo khuseeya jaaliyada soomaaliyeed ee Maraykanka.

Gabagabodii shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan;

1. Waxaan ugu baaqaynaa ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Alle ka cabsi, iyo inay Allah u towbad keenaan si ay u gaaraan guul aduun iyo mid aakhiroba.

2. Waxaan ugu baaqaynaa in ummadda Somaaliyeed qabsadaan Kitaabka Allah iyo Sunnaha nabiga(scw) ayna dhaqan geliyaan Shareecada Islaamka.

3.  Waxaan ku baaqaynaa in la qaato wadooyinka lagu gaari karo, midnimmada iyo wada jirka iyadoo wixii khilaaf ah lagu dhamaynayo wadahadal, is afgarad, heshiis iyo isu tanaasul.

4. Waxaan ugu baaqaynaa ummada Soomaaliyeed inay wada ilaashadaan maslaxada guud ee ka dhaxaysa sida Dalka, Diinta iyo dadkaba. Horumarka ummad kasta waxay ku jirtaa in ay wada tashadaan si ay u ilaaliyaan arrimaha salka u ah ummadda midnimadeeda.

5. Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa amni darada ka jirta wadanka iyo joogitaanka ciidamada ajnabiga ah, ee uu dheeraaday joogitaankoodu lana ogayn goorta ay baxayaan, joogitaan kaas  oo dhaawac ku ah madaxbanaanida, qaranimmada iyo dowladnimmada ummada soomaaliyeed.

6. Sidoo kale goluhu wuxuu dhalliyarada soomaaliyeed uga digahayaa inay ku kadsoomaan dhammaan fikradaha qalloocan ee magaca diineed huwan ee lagu duminayo diinta, dalka, iyo dakaba.

7. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed meel ay joogaanba inay joojiyaan iskhilaafka iyo isu tanaasulid la’aanta dhexdoodda ah,  khilaafkaas oo ummada Soomaaliyeed u keenay faragelinta shisheeye ee sii kordhaysa iyo xagjirnimada aafaysay geyiga Soomaaliyeed sidaas darteedna waxaa lagama maarmaan ah in umadu ka xorowdo khilaafka dhexdeeda ah.

8. Goluhu wuxuu ugu  baaqayaa Xukuumad iyo Shacabba in amniga waddanka la xoojiyo oo ciidan xoog leh oo Qaran waddanka loo dhiso, si looga maarmo ciidamaada shisheeye ee waddanka ku sii baahaya, waxaan kaloo ku baaqaynaa in la ilaaliyo khayraadka waddanka cir, barri iyo baddba, oo aan laga gelin heshiisyo aan ku salaysnayn doonidda Ummadda Soomaaliyeed.

9. Goluhu Wuxuu ugu baaqayaa Dhamaan bulshada soomaaliyeed gaar ahaan madaxda dowlada soomaaliyeed in duruufaha wadanku marayo ku riixin inay gorgortan ka galaan badda soomaaliyeed oo baryahaan dambe muran la geliyey.

10. Waxaan ugu baaqaynaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Maraykanka in ay ahmiyad weyn siiyaan barbaarinta ubadka iyo tarbiyadooda iyagoo ku dadaalaya inay fahmaan duruufaha bulsho ee ku hareeraysan.

11. Dhalinyarada waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaahay ka cabsadaan, culimmadooda ku xirnaadaan, ku dadaalaan barashada cilmiga sharciga ah, xiriir joogta ahna la yeeshaan masaajida iyo goobaha kheyrka si ay uga badbaadaan afkaaraha khaldan.

12. Umada soomaaliyeed waxaan ku baraarujinaynaa inay ka waantoobaan dhibaatada qabyaalada iyo kooxaysiga ayna waajib tahay in isku meel looga soo wada jeesto cidii
ummada ku kala qeybinaysa arrimahaas.

13. Goluhu wuxuu ugu yeerayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed ee qurbaha iyo dadka wax haysta in loo gurmado dadka ku dhibaataysan abaaraha ka jira wadankii layskana
kaalmaysto sidii loo taageeri lahaa.

14. Qoysaska muslimka ah ee ku nool qurbaha waxaan ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan khilaafka iyo waxyaabaha keenaya burburka qoyska taas oo saamayn weyn ku leh korinta ubadka iyo caafimaad qabkooda.

15. Ugu dambayntii golaha imaamyada soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika wuxuu ugu ducaynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba in ilaahay dalkooda uu u dajiyo, dowlad caadil ah oo shareecada ku dhaqantana uu ilaahay siiyo, qalbigeedana isu soo dumo, midnimmo iyo Towfiiqna siiyo.

Golaha Waqooyiga Ameerika.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online