Cambaareyn: isku daygii lagu kharijin lahaa xaaskii Jeneraal Maxamed Abshir Haamaan

August 31, 2014 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Jenaraal  sare oo ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed oo magaciisa layiraahdo Jen.Ahmed  Dhayib Ahmed (Dhagacaleen) ayaa waxuu ku guul daraystay in ay u hirgasho  in uu khaarijiyo xaaskii  Jeneral Mohamed Abshir Haamaan oo magaceeda la yiraahdo Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) oo ku sugnayd markaas gurigeeda oo ku yaal magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.  Halkaas oo ay ka badbaaday rasaas ka haleeshay madaxa  ayna noqotay dhaawac culus oo loola soocararay dhalka Turkiga.

Dhakhaatiirta turkigu ayaa hadda la tacaalayso nolosha Marwo Faadumo  Calbato. Waxaa kale oo isku daygaa dilka aha k abadbaaday oo aan wax dhaawici ah soo gaarin 3 caruur ah oo ay k ujiraan 2 caruur ah oo uu dhalay  Jeneraal M Abshir oo iyagu goobtaa ka cararay markii baaska lagu furay. Waxuu jeeneraal Dhago caleen cadeeyay in ay dilkaa la maleegay  nin isaguna  ka tirsanaa Baarlamaankii shariifka ee dawladii hore oo la yiraahdo ina Nageeye oo isagu sheegtay in uu gurigaan leeyahay  kuna abtirsada dadka Koonfurta Soomaaliya degan.

Waa kuma Jeenaraal Dhagacleen 

Dhagacaleen waa nin ka tirsan Jeenaraalada dawlada hada jirta ay ku tiirsantahay awood ahaan ayna isku hayb yihiin Faarax Sh Abdulqaadir  wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka dalka. Jeenaraal dhaga caleen intii uu Guriga halgamaa Maxamed Abshir Haabaan  xooga ku haystay waxay dawladda Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Malaysiya si uu ugu soo qaato tababarka xaga ladagaalanka danbiyada iyo dhowrista shuruuc da booliiska soomaaliyeed. Mushaarkiisa iyo tababarkiisana waxaa bixinayay dalka soomaaliya si uu u badbaadiyo umada soomaaliyeed  balse  nasiib xumo waxuu qabaa shaati qaldan.

Dhagacaleen askarta sugaysay nabad galayada Guriga uu xooga kuhaysto mushaarkooda iyo noloshooda waxaa bixinayay dawlada soomaaliya  iyadoo ay ogtahay in uu dhagacaleen hanti dad boob ku haysto uuna sharciga isagu jabinayo hadana waxaa loo diray tababar sharci ilaalineed. Nasiib daro howshii qaran ee la rabay in uu ku difaaco muwadiniinta soomaaliyeed ayuu iyagu u adeegsaday in uu hantidoodii banneyso oo uuna xabad kala daalo.

Jeenaraal Dhagacaleen waxaa maxkamada dastuuri ah kuxukuntay mudo laga joogo halsano iyo bar in uu Guriga halgamaa M.A Habaan uu kaga baxo mudo kusiman 30 maalmood balse wuu diiday waxuuna sheegtay in uu isagu sharciga gacanta ku hayo kana sareeyo. Dawlad soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxay indhaha kaqarsatay in sharciga la horkeeno danbiile Dhaga caleen  isagoo weli labisan uniformkii  booliiska qaranka soomaaliyeed.

Haddaba anigoo ku hadlaya magaca qoyska gabadha uu dhaawaca culus soo gaaray oo ah xaaska Jeneraal Maxamed Abshir Haabaan waxaan cambaareynaynaa falkaas foosha xun oo dhaawaca loogu geystay marwo Faadumo Calbato oo hadda ku sugan dalkaasi Turkiga oo lagula tacaalayo dhaawacas kasoo gaaray falkaas foosha xun oo uu soo maleegay Jeneraal Dhegocaleen. Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha qaabilsan amniyaadka ee dowladda federaalka iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka in arintaas si deg deg ah wax looga qabto oo dadkii arintaas soo maleegay iyo wixii ka danbeeyayna sharciga la horkeeno.

Sidoo kale waxaa arintaas foosha xun canbaareynaya dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyagoo falkaas ku tilmaamaya fal arxan daro ah oo kasoo horjeeda sharciga iyo qawaaniinta islaamnimo iyo mid bani’aadanimoba.

 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdisamada Maxamed Aadan (Calbato)

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online