Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Kuntu-Waarey iyo Fiidow (Masawiro)

August 31, 2014 - Written by Editor

fidowMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta la wareegay degmada Kuntu-Waarey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ka soo ruqaansadeen Degmada Buula -Mareer.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidi oo ku sugan Kuntu-Waarey ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay si nabad kula wareegeen,degmada Kuntu-Waarey

C/qaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka carareen degmada Kuntu-Waarey ee Gobolka Shabeelaha Hoose uusana ka dhicin wax dagaal ah

Dhanka kale Wararka ka imanaya deegaanka Fiidow oo ah marin kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay lawareegeen deegaanka Fiidow oo ah marin istiraatiiji ah oo iskuna xira gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

no images were found

Deegaanka Fiidoow oo qiyaastii 63-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe waxaana ciidanka DFS horkacayey Abaanduulaha ciidanka DFS Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi wuxuuna sheegay in ay ku wajahan yihiin Degmada Jalalaqsi

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online