Dagaal culus oo ka socda deegaano ka tirsan gobalka Sh/Hoose

August 30, 2014 - Written by Editor

AMISOMMuqdisho:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka duulaan ku qaaday deegaano ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose waxaana ay la wareegeen Deegaanka Golweyn.  ciidanka huwanta ayaa ku sii jeeda degmada Buula-mareer sida uu VOA u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Dagaal xoogan ayaa waxaa uu haatan ka socdaa duleedka deegaanka Golweyn kaas oo u dhexeeya ciidanka DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo ciidanka AL-Shabaab.

Ciidamada ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay ka soo dhaqaaqeen Degmada Qoryooley ,deegaanka Siinaay , waxaana ciidamadu ay duulaan ku yihiin Degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFS .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay haatan ku sugan yihiin Deegaanka Golweyn, oo qiyaastii 15km u jirta Degmada Buulo Mareer.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.ayaa sheegay in gobalka Sh/hoose uu ka bilaawday howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ugu magac dareen Badweynta Hindiya (Indian Ocean)

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online