Dawro iclaamka islaamka ah oo lagu qabtay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.[Masawiro]

August 16, 2014 - Written by Editor

DSC09482Buuhoodle:-Waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Buuhoodle siminaar ku saabsan warbaahinta iyo dowrkeeda ay ku leedahay faafinta dacwada iyo diiiinta islaamka .Siminaarkan ayaa waxa kasoo qayb galay ardayda ka qalin jebisay Macadka Al-furqaan ee magaalada Buuhoodle sidoo kale walaalaha ka socday Machadka Imaamu Bukhaari ee magaalada Goldogob waxa iyana ka qayb galay qaar ka mid ah ardayda ka qalin jebisay Macadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood .

Waxaa iyana dhanka culimada ka soo qayb galay simanaarkan :-

1. Sh.Cabdishaafi Axmed Cali maamulaha Jaamacadda EAU Buuhoodle.

2. Sh.Axmed Maxamed Samatar – maamule ku xigeen Macadka Al-Furqaan Buuhoodle

3. Sh.Axmed Sh.Cumar Xassan – madaxa xafiska imtixaanadka JBA ee Buuhoodle

Ugu horreyn waxa furufuray barnaamijka Shaafici Maxamed Abokor gudoomiyaha multaqaha ardayda ka baxday macadka al furqan buhodle oo ku soo dhaweeyay Dr.c/raxman Xassan Yuusuf gudoomiyaha dallada ardayda ka qalinjabiyayaasha macaahidda shareecada ah ee soomaaliya si uu u soo u bilaabo siminaarka .

Ka hor intii aanu guda galin mawduuciisa wuxuu ka hor akhriyay ka soo qaybgalayaasha dastuurkii dalladda ardayda ka qalinjabisay macaahida shareecada ee Soomaaliya sidoo kale qorshe sanadeed ka looga baahan yahay in lagu shaqeeyo sannadkan. Siminaarkan ayaa ahaa mid aad u wanaagsan oo ay ku farxeen dhamaan culumadii iyo dhalinyaradii ka soo qayb gashay iyadoo lagu iftiimiyay muhimmadda ay warbaahintu u leedahay faafinta dacwada iyo diinta islaamka .

Ka hor intii aanu soo xidhmin siminaarku ayaa waxa kalmadahooda lagu soo dhaweeyay culumadii ka soo qayb gashay siminaarka oo ayaguna dhankooda adkeeyay muhimmadda warbaahintu u leedahay faafinta dacwada . Sidoo kale waxaa iyana kalmad la siiyay walaalihii ka socday Macadka Imaamu Bukhaari ee magaalda Goldogob oo cabiray dareenkooda iyo weliba sida ay uga faaideysteen siminaarkan .

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online