Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo Gobalka Shabeellaha Hoose

August 26, 2014 - Written by Editor

AMISMuqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaray gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu caawa ka jiro halkaas ka dib markii ay ciidamada AMISOM iyo DFS ay u dhaqaaqeen Degmooyinka Buulo mareer iyo Kuntuwaareey sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Cusmaan.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaanada ay gobalka Shabeellaha Hoose ka joogaan Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa galabta Shirjaraa`id ku qabtay xarunta ciidanka AMISOM ee xalane abaanduulaha ciidanka DFS General Abdirizak Khalifa,madaxa ciidanka AMISOM Lt. Gen Silas Ntigurirwa iyo Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Ali Aden Houmed,waxaana ay sheegeen in howlgalada ay ugu magac dareen Badweynta Hindiya ( Indian Ocean) ay bilaawdeen .

Gen. Cabdirisaaq Kahliif Cimi Abbaanduulaha ciidanka DFS ayaa ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan ciidanka DFS si loo soo afjaro dhibaatada Al-Shabaab ay ku hayaan ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Shirjaraa,id oo ay wada qabteen General Abdirizak Khalifa iyo Lt. Gen Silas Ntigurirwa

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online