DFS oo warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee xarunta nabadsugida

August 31, 2014 - Written by Editor

dhuxulowCiidamada amniga ayaa gaashaanka u daruuray weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al- shabaab abaarro 11:30 gelinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeyb qaateen 7 xubnood oo dhamaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidamada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow cadeeyeen in weerarkan fashilmay uu ahaa mid ay nabadiidku ku doonayeen inay xabsiga ugala baxaan qaar ka mid ah Al-Shabaab oo maxkamadi xukun ku riday kuna jira xabsiga.

Kooxda Al-Shabaab ee weerarka fashilmay soo qaaday ayaa 5 kamid ah ku labisnayd tuutaha ciidanka nabadsugida. Waxayna xabsiga ku soo weerareen labo gaari oo qaraxyo ku xiran yihiin oo la gubay. Weerarkan argagixiso ayaa waxaa ku dhintay 3 kamid ah ciidanka nabadsugida iyo 2 qof oo rayid ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsi yay naysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabad-diidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta

Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online