Halgan.net oo Wareysi la yeelatay Sheekh C/laahi Sheekh Cumar Nuur (Akhriso)

August 3, 2014 - Written by Editor

IMAG0360Mecca:-Mareegta Halgan.net ayaa caawa waxaa ay idiin soo gudbineysaa Wareysi kooban oo aanu la yeelaney  Sh. Claahi Sheekh Cumar Nuur (Abu C/raxmaan ) oo ka mid ah culumada waaweyn ee dalka Soomaaliya dowr weyna ka soo qaatay faafinta Dacwa Salafiga.

Halgan.net :-Salaamu Calaykum waraxmatulaah Sheekh Claahi Sh Cumar ku soo dhawoow Shabakadda wararka Halgan.net.

Sheekh Claahi Sh Cumar :-Wacalaykum Salaam waraxmatulaahi wabarkaatu Jazakumulaah Khayr waa dhawahay Adeer.

Halgan.net :- Sheekh ugu horeyn waxaad warbixin kooban naga siisaa Taariikh nolaleedka  iyo qaabkii aad faafinta dacwada Soomaaliya uga qeyb qaadatay ?

Sheekh Claahi Sh Cumar:-Magacayga waxaa la yiraahdaa Sheekh Claahi Sheekh Cumar Nuur waxaan ku dhashay tuulada Baarguun Sanadkii 1941 oo u dhow magaalada Goday iyada ayaan ku soo koray oo aan qu,aanka ku dhigtay waxaan noqday xerow akhristay kutubta axkaamta gaar ahaan madhabka Shaaficiga intaas ka dib ayaan waxaan safar waxbarasho u aaday magaalada Jigjiga si aan uga soo barto naxwaha iyo funuunta kale ee luqada carabiga waxaana ku sugnaa mudo sanad ah.

Halgan.net. Sheekh Claahi markii aad timid magaalada Jigjiga oo aad sanad joogtay waxaa nagu maqaal ah in aad  ka tagtay adiga rag kale oo aad xer wada ahaydeen maxay ahayd sababta?

Sheekh Claahi Sheekh Cumar :-Adeer waa runtaa markaan jigjiga joogay mudo sanad ah waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeya qaar ka mid ah beelaha dega dhulkii aan ka imid ee Goday ka dibna waagaas xertu waxay ahaayeen dad quman walow aqoontuba ha ku yaraatee waxay soo jeediyeen in aan fitanta ka hijroono  ka dibna waxaan soo jeediyey in laba meel aan u hijroono dhulka Xijaaz iyo Masar .

Halgan.net :-Sheekh Claahi Sh Cumar maxaad ku doorateen in aad u higrootaan labadaas dal ee Xijaaz (Sacuudiga) iyo Masar ?

Sheekh Claahi Sh Cumar :-Adeer waxaan u dooranay laba sababood oo mid waxay ahayd Sheekh Dhariiqaheenii baa joogay  oo anagau markaas waxaan ahayn dhariiqadii saalixiyada oo Sheekhii dhariiqada saalixiyada baa Mecca deganaa tan kale oo aan Masar u soo jeedinay in la aado waxay ahayd waagaas Yemen cilmiga si quman baa looga baran jiray oo Sheekh Cali Suufi Raximahulaah baa cilmi ka soo dhigtay gaar ahaan cilmigii Tajwiidka iyo culuumta sharciga.

Halgan.net .-Sheekh Claahi ma noo sheegi kartaa qaabkii aad ku gashay dalka Sacuudi Carabiya oo ahayd rixlo aad u mashqo badneyd aadna u dheereyd ?

Sheekh Claahi Sh Cumar :-Adeer mahadsanid rixlada aan ku nimid Xijaaz waxay ahayd rixlo dheer waxaana ka soo baqoolnay Jigjiga waxaanu nimid Jabuuti oo aan doon shiraac ah ka raacnay intii aan bada ku jirnay ayaan waxaan bilaawnay in aan duceysano cilmi badana ma jirin oo xer baan ahayn waxaan niraahnaa alle iyo Awliya allow  na badbaadi ! taas oo shirki ah  oo makaas tawxiid iyo diin badan lama aqoon waxaan tagnay Yemen waxaan safarka Jabuuti ilaa Yemen mid aad u adag.

Halgan.net:-Sheekh Claahi Sh Cumar markii aad tagteen Yemen imisa ayaad joogteen qaabkee baadna ku gasheen dalka Sacuudiga?

Sheekh Claahi Sheekh Cumar :-Adeer Markii aan tagnay Yemen waxaan  joognay mudo dhan mudo aan badneyn waxaana ka dib safar dhulka ah ku galnay dalka Xijaaz gaar ahaan magaalada Mecca waxaan intaas ka dib aan galay Machadka Daarul Xadiis markii aan dhameeyey ayaan waxaa la furay Jaamacada Madiina Al-Munawara waxaana ahaa alle mahadiis ardaygii ugu horeysay ee loo diiwaan galiyo Jaamacada Madiina Al-Munawara  waxaa xusid mudan in markii aan go,aansanay in aan Mecca tagno waxaa na looga digay wax ay xirta ku sheegeen Wahaabiya iyaga oo markaas dacwada salafiga iyo Sh Maxamed Cabdi Wahaab dicaayad ku furaya.

Halgan.net:-Sheekh Claahi Sh Cumar wax ma nooga sheegi kartaa culumadii ugu caansanaa ee macalimiinta idiin noqday ee aad wax ka barateen xiligii aad gashay Jaamaca Islaamiya Madiina Al-Munawara?

Sheekh Claahi Sh Cumar:- Haa Culumada caalamka ugu caansanaa uguna cilmiga badan ayaa alle mahadiis culuma noo ahaa waxaan ka xusi karaa alaha u naxariisteen Sheekh Maxamed Naasir Diin Al-Baani,Sheekh Maxamed Amiin Al-Shinqiidhi ,Sheekh Maxamed Cabdlla Al-Soomaali oo tafsiirka iyo xadiiska aan aad uga baranay waxaana jaamacada madax ka ahaa oo murabi noo ahaa alaha naxariistee Sheekh Cabdi Casiis Ibnu  Baaz raximahulaah runtii jaamacada Madiina ee Islaamiga  wax aad u weyn baan ka korarsanay .

Halgan.net:-Sheekh Claahi Sheekh Cumar alaha ku xifdiyo Markii aad jaamaca dhiganaysay caalamka Islaamka aad uu u kacsanaa haday noqon lahayd saxwada oo bilow fiican ahayd iyo Afkaar Munxarif ah oo Curuuba iyo Shuuciya ah baa socotay qaabkee baad u wajahdeen?

Sheekh Claahi Sh Cumar:-Dacwada Soomaaliya iyo Caalamul Islaami waxaa ay ku socotay si dar dar leh waxaana hortaagnaa caqabooyin badan oo ay ka mid yihiin tayaaraadka aad sheegtay iyo Suufiyada balse hadaan dalka Soomaaliya ka hadlo waxaa ugu darnaa markii ay talada dalka ay la wareegeen ciidana oo uu hormuud ka ahaa Jen Maxamed Siyaad Bare ayaa dalka waxaa lagu soo rogay waxay ku sheegeen Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan kaas oo dhib u keenay dacwadii sida yar ku socotay waxaa la xiray machadkii Tadaamun oo aan macalinka ka ahaa iyo anigiiba waxaan dowlada u xirnaa mudo sanad ah waxaa sidoo kale la toogtay culumo ka hortimid Hantiwadaaga  waxaa sidoo kale dalka ka cararay dhalinyaro badan oo machadka dhigan jiray oo aan macalin u ahaa waxaa ka mid ah Sheekh Cumar Al-Faaruuq Raximahulaah ,Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ay Al-Shabaab ku dileen magaalada Garoowe isaga oo salaad casar ku jira alaha u naxariistee iyo arday kale oo badan ka dib markii xabsiga laga siidaayey.

Halgan.net :-Sheekh Claahi alaha ku dhowree waxaad ka mid noqotay Ururkii ikhwaanul Muslimiin oo markii danbe aad ka baxday kuna biirtay Ururkii Ahliga ee markii danbe la baxay Al-Itixaad Al-Islaami bal nooga waran arinkaas?

Sheekh Claahi Sh Cumar:-Adeer waa Runtaa markii ay uu bilaabay alaha u naxariistee Sheekh Xasan Al-Banaa Dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee Ikhwaan Muslimiin ayaa waxaa jaamacada Madiina macalimiin noogu ahaa Macalimiin xambaarsan fikirkii tayaarkii Ikhwaan muslimiin  kuwaas baa sabab u ahaa in aan Ikhwaan noqdo ka dib waxaa mudo ka dhexwaday Ururkii ikhwaan ee Soomaaliya (Al-Islaax) in la saxo wixii khalad ah balse markii aan arkay in ay ikhwaanku waxba ogalayn baan isaga baxay oo ku biiray Jamaacadii Al-Ahli ee markii danbe la baxday Al-Itixaad Islaami haddana la dhaho Jamaacat Al-Ictisaam Bil Kitaab wasuna ee uu Amiir u yahay Sheekh Dr.Basiir Axmed Salaad Xafidahulaah .

Halgan.net :-Sheekh Claahi Markii aad ku soo laabtay dalka Soomaaliya waxaad macalin ka noqotay Machadkii Tadaamun dowr intee gaaraya ayuu ka qaatay saxwada Islaamiga ee Soomaaliya Machadkii Tadaamun.

Sheekh Claahi Sheekh Cumar :-Machadka Al-Tadaamun waa run Macalin baan ka noqday wuxuuna ahaa machadkaas mid si weyn qeyb uga qaatay saxwada Islaamiga ee Soomaaliya waxaana ka baxay inta badan culumada gayiga Soomaalya aadka u faafiyey cilmiga sharciga oo aan kula talinay markii ay dhameysteen machadka in ay Jaamacada Madiina ay galaan taasna waxay ahayd guul weyn.

Halgan.net:-Sheekh Claahi Sh Cumar waxaad sidoo kale dacwada ku tagtay dalka Jabuuti oo aad mudo dacwo ka waday arinkaas nooga waran?

Sh Claahi Sh Cumar:-Waa jirtaa in aan dacwo u tagay dalka Jabuuti ka dib markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay xirtay Machadkii Tadaamun waxaan tagay Jabuuti halkaas oo aan Machad ka aasaasnay waxbadana ku kordhiyey dacwada dalka Jabuuti.

La soco wareysiga Sheekh Claahi Sheekh Cumar (Abu C/raxmaan )qeybta Labaad…..
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online