Heshiis hordhac ah oo ay wada gaareen Garabka Bare Hiiraale iyo Maamulka Juba

August 27, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah ay wada gaareen Maamulka KMG ee Juba iyo Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Heshiiska hordhaca ah waxaa garwadeen ka ahaa wafdi ka socda DFS waxaana  ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha DFS  C/laahi Goodax Barre, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka dastuurka iyo arimaha garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir xubno ka socday ururka IGAD, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Kulanka hordhaca ee lagu gaaray heshiiska ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 15 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

21-ka bisha September ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose uu ka furmo wejiga labaad ee shirkii dib u heshiisiinta beelaha wada degan gobalada jubooyinka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Bare Hiiraale ayaa caawa ku sugan magaalada Kismaayo waxaana ka mid ah Col.Cabdi Cigaal ,Maxamed Cali,Cabdirashiid Macalin Gaas.

Maalinta birito ayaa waxaa la filayaa in Col.Bare Aadan Shire Hiiraale uu soo gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ilaa haatan lama soo bandhigin heshiiska ay wada gaareen Maamulka KMG ee Juba iyo Col.Bare Hiiraale.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online