Kulankii guud ee ardayda ka baxday Machadka Al-Dacwa ee magaalada Hargaysa‏ [Masawiro]

August 17, 2014 - Written by Editor

1Hargaysa:-Waxaa maalintii jimcaha salaadii casar kadib ku qabsoomay hoolka shirarka ee jaamacadda bader ee caalamiga ah 19/10/1435 kuna beegan 15/8/2014 kulan guud oo ay yeesheen  ardayda ka baxday macaahidda al-dacwa 2005-2013,  waxaana shirkaas kasoo qayb galay dufcaadkii machadka oo dhan ka baxay, culimo iyo maamulka iyo macalimiinta machadka al-dacwa,  waxaana ka mid ahaa culimadii ka soo qayb gashay.

Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac oo ah xoghayaha guud ee Raabidada Macaahid Sharciga ah ee Soomaaliya, Isgoona ka war bixiyay raabidada macaahidda iyo machadka sare ee laga furayo magaalada hargaysa, wuxuuna sheekhu ardayda kula dardaarmay in ay xoojiyaan isku xidhnaanta lana yimaadaan qaabab cusub oo dacwada lagu hormariyo. Intaa waxaa xigay Sh.Aabbi Maxamed Cali oo ah maamula ku xigeenka Jaamacada Bader, Wuxuuna ardayda kula dardaarmay sheekhu in cilmiga shareecada lagu dadaalo isgoo war-bixin koobana ka siiyay jaamacadda iyo qaybaheeda .

Sidoo kale waxaa goobta kalmado suubban ka jeediyay Sh.Ibraahim Axmed Xirsi  oo ah maamulaha machadka iyo Sh.cabdiraxmaan aadam cige oo ah Masuuliyiinta Raabidada Macaahidda; Sh.naasir cali barkhad oo ah xoghayah Mu’asasada Al-Karam iyo Sh.cabdirxmaan cumar cigaal oo ah macalin ka tirsan machadka.

Waxa kale oo halkaas iyaguna ka hadlay gudoomiyaha ardayda ka baxday machadka Al-Dacwa  Nuux Ibraahim Sugaal  iyo gudoomiyaha guddida shuurada  ee Dallada ardayda ka baxday maacaahidda sharciga ah ee Soomaaliya Cabdikariim Sh.Maxamed Madar  isagoo ka warbixiyay shirkii koowaad ee ardayda macaahidda sharciga ah ee ka qabsoomay magaalada laascaanood maalmihii la soo dhaafay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay qaar kamid ah acmaashii shirkaas.

Gabagabadii ayaa waxaa soo xidhay kulankaas maamulaha machadka oo ardayda uga waramay taariikhdii machadka iyo sida uu ku soo baabmay iyo heerarkuu soo maray, si waynna wuxuu ugula dardaarmay in ay diinta iyo dacwadaba ka run sheegaan u adeegiddeeda.

no images were found

Dr.AbdiRahman Hassan
Hargaysa,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online