Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Ms. Edem Wosornu.[Masawiro]

August 30, 2014 - Written by Editor

IMG_77651Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kulan aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kula qaatay Madaxa Hay’adda isku xirka arrimaha Bini’aadanimada uqaabilsan Qaramada Midoobey UNOCHA ee Soomaaliya Ms. Edem Wosornu iyo wefti balaaran oo la socday.

Kullanka ay Ms. Edem Wosornu iyo xubnihii la socday ay la qaadateen Madaxwayne Gaas ayaa waxaa iyaguna ku wehliyay Francis Lenoh oo ah Madaxa Xafiiska Hay’adda UNOCHA ee Puntland iyo Maxamed Cismaan oo ah Humanataria Affairs Analyst UNOCHA ee Garoowe.

Mudadii uu socday kulanku ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ms. Edem Wosornu waxaa ay ka wada hadleen sidii wax loogu qaban lahaa Dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxwayne Gaas ayaa sidookale Ku wargaliyey Madaxda Hay’adda UNOCHA ee Soomaliya in ay ay jiraan gobolo badan oo ka tirsan Puntland in abaarahu ay hala keeyeen, welibana tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee lasoo dhaafay bishii ay jireen deegaano badan oo abaaruhu dhibaatooyin laxaadleh u geysteen.

Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ku wargeliyey hay’adda UNOCHA in mucaawinada ay ugu talageelen Puntland ka soo dajiyaan oo kaliyah Dekedda weyn ee Boosaaso,islamarkaana aanay suurtagal ahayn in mucaawinada usocota Puntland lasoo mariyo Dekeda Berbera, marka laga eego dhanka dhakhsaha iyo istiraatiiji yadana ay u dhow dahay dekada Boosaaso.

Madaxwayne Gaas ayaa ugu danbayntii ku taliyay inay muhiim tahay isku xirka dekada Mombasa iyo dekada weyn ee magaalada Boosaaso, si loogu sahlo shacabka reer Puntland in deg deg  loo gaarsiiyo gargaarka Bani’aadananimo.

no images were found

-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha
iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online