Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu soo laabtay Garoowe.[Cod/Masawiro]

August 27, 2014 - Written by Editor

IMG_7626Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi oo uu hogaaminayey oo safaro shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Ethopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanagsan uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinti la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowaldda Puntland waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin kabixiyay Socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

‘’Howsha aanu u tagnay Dalka Ethopia waxay la xiriirtay sii xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka Nabad galyada arimaha Bulshada,arimaha Ganacsiga oo muddo aanu kawada hadlayn oo ay ugu horayso in labada dal ganacsi furan yeeshan kastamiskii la fududeeyo ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka Ethopia uu ku soo dhamaaday Guul iyo is afgarad.

no images were found

Hoos ka Dhagayso warmurtiyeedka uu Madaxweynaha Puntland Dr Gaas uu siiyey saxaafadda markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ptbey5drum/gaascomback.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online