Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay xuska 1-da Augusto.[Masawiro]

August 1, 2014 - Written by Editor

SAMSUNG CAMERA PICTURESGaroowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland kaga qayb galay Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Sanad guuradii 16-aad ee ka soo wareegatay Markii Puntland la dhisay. Xaflada ayaa waxaa sidookale ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Haween Dhalinyaro iyo Dhamaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool Magaalada Garoowe kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray ka qayb galka Dabaaldagaasi.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiinti la socday ayaa socod ku yimi barxada Garoowe waxana ay si kal iyo lab ah u salaamen dhamaanba dad waynihii ku sugnaa Goobta . Cusubyo siweyn loo diyaarshay oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland ayaa waxa ay Socod dheer ku mareen Wada Laamiga ah iyagoona Salaan Sharaf Siiyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Waxa iyana sidookale socod dheer wadada Laamiga ah ku maray ardayda,Shaqaalaha Dowladda,Barakacayasha,Dhalinyaro,Ciyaartoy,Dadwayne u diyaarsanaa in ay Matalaan Xaafadaha Magaalada garoowe,Ardayda Macadka Saxaafada,Shaqaalaha iyo Sidookale Shirkada Korontada Garoowe. Fardaha,Gawaari lagu xardhay Calanka Puntland,Baaskiilo ay wadeen dhalinyaro kulabisan Calanka Puntland iyo Agabka Hidaha iyo Dhaqanka waxay qayb Wen ka ahaayen waxyaabihii lagu soo bandhigay Halka ay ka dhacaysay Xaflada oo ahayd Barxada Garoowe.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ayaa Mahadcelin Alle ka Sakow umahadnaqay Gudigii qaban qaabada Xaflada,Madaxda Puntland,Shacabka Puntland iyo Howlwadeenada Warbaahinta oo siweyn uga qayb qaatay Tabinta Munaasabada,isagoona alle uga baryay in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaran bash bash iyo barwaaqo waarta. Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay Xukuumadiisa sidii wax looga qaban lahaa arrimaha taagan balse Shacabka Puntland looga baahan yahay in iyana ay ka waan toobaan Dawarsiga Beesha Caalamka .
Halku dhiga Sanadkaan ee Dabaal daga Sanadguurada 16-aad ee  ka soo wareegatay Marki dhidibada loo taagay Puntland ayaa ahayd ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online