Madaxweynaha dowladda Puntland oo qada sharaf u sameeyay Ugaaska Beesha Xassan Ugaas iyo Cuqaashii la socotay.[Masawirro]

August 19, 2014 - Written by Editor

IMG_7085Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland qado sharaf ugu sameeyay Ugaaska Beesha Xasan Ugaas ee Degmada Boocame Ugaas Cabdulaahi Ciise ,Cuqaasha Beesha,Siyaasiyiinta Beesha,Saraakisha Ciidamada Beesha iyo Nin Garbood kale oo la soctay Ugaaska.

Kullanka Qado sharafta ah ayaa waxaa Madaxwayne Gaas ku wehliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdinuur Cilmi Maxamud(Biindhe), Xildhibaano iyo Saraakil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Qadada kadib ayaa kullan gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Beesha Xasan Ugaas ayaa Ugaaska Beesha Ugaas C/llaahi Ciise iyo Cuqaashi la socotay waxa ay sheegen  in ujeedka Socdaalkooda Garoowe salka ku hayo soo ajiibida Shirka wada tashiga iyo Midnimada Umadda Puntland oo Madaxwayne Gaas dhawaan ugu baaqay Beelaha Dega Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Iyagoona cadeeyen in ay kamid yihiin Rukumada ugu waaweyn ee Puntland,degmada Boocame ayayna ku tilmaamen in ay tahay Degmo Taariikhi ah una baahan in loo dhamastiro adeega Dowladda si degmadu ula jaanqaado Degmaayinka waaweyn ee Puntland.

Madaxwayne Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay Ugaaska iyo Cuqaashi la socotay in xukuumadiisu ay ka go,antahay Horumarinta guud ahaan Degmooyinka Puntland,waxana uu u balan qaaday wax qabad deg deg ah in lala gaarayo degmadaasi,sida Caafimadka,Waxbarashada iyo adeegyada kale ee ay u baahan tahay Degmadaasi.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online