Madaxweyne Galeydh waxaan nagu soo duulay Ciidanka Maamulka S/land

August 29, 2014 - Written by Editor

madax2Saaxdheer :-Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa u sheegay in ciidanka S/land ay shalay ku soo duuleen Deegaanka Saaxdheer shalay xili ay ka socotay xafladii lagu caleema saarayey Prof Cali Khaliif Galaydh iyo xubnihii maamulkiisa. Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in shacabka deegaanka SSC dhibaato iyo duulaan loogu hayo oo kaliya midnimada umada Soomaaliyeed iyo in ay xuquuqoodii ay raadsaaan arrinkaas oo dowladda federaalka Soomaaliya ee Muqdisho joogta ay ka indhaha ka laabatay.

Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa eedeyn kulul u soo jeediyey madaxda S/land oo uu sheegay in ay u diidan yihiin shacabka reer SSC in ay aayahooda ka tashadaan taas oo ay xuquuq u leeyihiin kalana siman yihiin umada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu  xusay in Aaya ka talinta shacabka SSC ay iyagu leeyihin cid ay u daba fariisanaayaan aysan jirin isagoo ugu baaqay maamulka S/land in ay ka waan toobaan colaada ay hurinayaan iyo dhibaatada ay ka wadaan deegaana SSC.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh waxaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wixii khilaaf ah oo u dhexeeya beelaha dega Gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn ay dhexdooda  ka xalinayaan maamullada dhina yadda ka xigana ay si nabadgelyo iyo daris  wanaag kula noolaanayaan.

Deegaanka Saaxdheer ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal ka dib markii ciidanka maamulka S/land ay ku soo duuleen deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, xili ay ka socotay xafladii lagu caleema saarayey Madaxweynaha cusub ee Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh mana ah markii ugu horaysay oo ciidamo ka tirsan maamulka S/land ay duulaan ku soo qaadan fariisamo ama deegano ay ku sugan yihiin masuuliyiinta maamulka Khaatumo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online