Maraykanka iyo Kooxda Daacish Sh.Abu Basiir Al-Dharduusi أبو بصير الطرطوسي

August 13, 2014 - Written by Editor

Darduusi1Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim laguna naanayso Abu Basiir Al- Dharduusi[ أبو بصير الطرطوسي ] ayaa qoraal uu soo dhigay mareegta uu ku leeyahay barta Internetka waxaa uu cinwaan uga dhigay [أمريكا وجماعة الدولة ] oo micnaheedu uu yahay ”Maraykan iyo kooxda Daacish.” Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة] ayaa Xamdiga Alle ka dib waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in dowladda Maraykanka aysan diyaar u ahayn in dagaal dhab ah ay la galaan Kooxda Daacish balse ay doonayaan in kooxdaan ay sii jirto ayna sii lahaato xoog oo ay u ilaaliso danaha gaarka ah ee Maraykanka uu leehaya waxaan ka mid ah.

1. Ka faa’iidaysi Kooxda Daacish si Maraykanku uu u burburiyo awood Jabhadda Nusra ee Al-qaacid.

2. Ka faa’iidaysi Kooxda Daacish si la burburiyo awood kooxaha Islaamiyiinta hubaysan ee dagaalka kula jira dowladda Suuriya, kooxahaas oo wada mashruucii Islaamka ee ahaa dhex dhexaadka kuwaas oo ka madax banaan in ay shaqaale ama u adeegayaal u yihiin Maraykanka arrinkaas oo ay fulinayaan Kooxda Daacish .

3. In Kooxda Daacish looga faa’iidayso lagana dhigo warqad lagu cadaadiyo kooxaha halganka kula jira dowladda Suuriya marka ay guusha helaan ka dib si aysan u dhicin in kooxaha Islaamiyiinta ah ay dhistaan dowlad Islaami ah taas oo ay diidan tahay Yahuudu

4.In Kooxda Daacish looga faa’iidayso in cadaadis lagu saaro dowladdaha Islaamka ee dariska la ah Ciraaq iyo Suuriya iyadoo lagu cabsi gelinayo dhaqanka xun ee khilaafsan diinta Islaamka ee Kooxda Daacish si dowladdahaas Islaamka ay u sameeyaan Tanaasulaat badan iyo weliba in xarumo ama Saldhigyo diyaarado ciidan uu ka samaysto Maraykanku dalalkaas isagoo leh waxaan idinka difaacayaa Kooxda Daacish.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة ayaa waxaa kale oo qodabkaan 5aad uu ku xusay in dowladda Iran iyo Kooxda Daacish uu Maraykanku u isticmaalayo ul uu ku cadaadiyo dowladdaha Islaamka ee darsika la ah Iraq iyo Suuriya.

5.In Kooxda Daacish looga faa’iidayso cabsi gelin ay dowladda Maraykanka iyo saaxiibadood ay ku qabsadaan dalalka islaamka gaar ahaan Iraq iyo Suuriya iyadoo la adeegsanayo magac ”la dagaalanka Argagixiso” arrinkaas uu u sahlaya Maraykanka iyo saaxiibadiisa in ay qabsadaan dalalka Islaamka iyagoo la dagaalamaya Islaamka qaab walba iyo waqti walba sababta magac ”la dagaalanka Argagixiso” waa qaabka ay Maraykanku ku galaan guri walba oo Islaam ah.

6. In Kooxda Daacish looga faa’iidayso in Islaamka laga fogeeyo bulshooyinka aan Muslinka ahayn  loona tuso shucuubta aan muslinka ahayn In Islaamku uu yahay dhaqanka  ”Kooxda Daacish.”

Ugu danbayntii ayaa Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة] waxaa uu qoraalkiisaan ku sheegay in Maraykanku uusan doonayn in uu wiiqo awood kooxda Daacish balse weerarkiisu uu yahay mid kala dhiman waxaan uu Sheekh tusaale u soo qaatay in magaalada la yiraahdo Riqaha Saldhig weyn oo ay lahaayeen ciidanka Suuriya oo ay yaaleen hubkii oo dhan lagu wareejiyey kooxda Daacish.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة] ayaa ku sifeeyey Kooxda Daacish md ibtilaysan oo markii dadka laga tiro badan yahay ee Gaalada dalka Ciraaq ay ku sameeyeen in ay qixiyaan ay qoladii Sayidka u ahayd waa Maraykankee ay duqayn edbin ah ku sameeyeen taas oo sababtay in baraha Internetkooda ay bilaabaan catow ah diyaaradaha Maraykanka baa na duqaynayee ha nala soo gargaaro. Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة] ayaa yiri ” Waxba ha catow nin Maraykan waa Sayidkiina duqeynta waa edbin qayb ah oo kooban.”

Halkaan ka Akhriso qoraalka Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim [ عبد المنعم مصطفى حليمة]

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online