Maxkamada ciidanka Puntland oo dil ku xukuntay gacan ku dhiigle dilay Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska Rako

August 27, 2014 - Written by Editor

ddBoosaaso:-Maxkamada Ciidanka Qalabka ee Puntland ee Gobollada Bari,Karkaar,Sanaag,Hayland iyo Gardafuu ayaa maanta u fariisatay fal danbiyoodyo loo heystay eedaysanayaal ku eedaysanaa dilal, amar diido ciidan iyo caawinaad dambiilayaal ayaa waxa ay riday xukumo kale duwan. Eedaysanayaasha maanta maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Warsame oo dilay Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhiga Degmada Rako-Raaxo Dhame C/laahi Faarax Gacashe.

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Gobollada Bari,Karkaar,Sanaag,Hayland iyo Gardafuu ayaa waxaa kale oo oo ay xukum 5 ilaa 7 sano oo xarig ah ku riday askar ka tirsan ciidanka Asluuta ee Puntand ka dib markii lagu hellay falal ay ka mid yihiin in ay sahlaan in ay baxsadaan maxaabiis danbiyo u xirnaa.

Ugu danbayntii ayaa Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Hayland iyo Gardafuu ayaa waxaa dil ku xukuntay Maxamed Warsame oo dilay Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhiga Degmada Rako-Raaxo Dhame C/laahi Faarax Gacashe.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee Gobollada Bari,Karkaar,Sanaag,Hayland iyo Gardafuu ayaa sheegay in ay eedaysanyaashu racfaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday mudo 30 cisho ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online