Mu’ssadda Al-Irshaad oo kulan tababar Macalimiinta ku qabtay London iyo Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka qayb galay.[Masawiro]

August 30, 2014 - Written by Editor

20140825_151540London:-Waxaa Taariikhudu markay ahayd 25.08.14 ka dhacay xarunta horumarinta Malcaamadaha ee Mu’ssadda Al-rshaad ee magaalada London kulan tababar ah oo ay ka soo qayb galeen Macalimiinta malcaamadaha[Dugsiyada]. Kulanka oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay rag iyo dumar gaaraya 70 iyagoo qaatay casharo iyo howlkooxeedyo[Workshop] oo canaawiintoodu ahaayeen:-

1. Tabta Loo Dhigo Cashar

2. Naseexo iyo Talooyin ku Socota Macalinka

3. Maxaa Ardayda Jeclaysiiya Malcaamadda?

4. Xilka ka Saaran Malcaamadda Ilaalinta shuruucda Dalka

5. Tillaabooyin Lagu Hormarin Karo Farqorista (Higaadda).

Martida khaaska ah ee casharada bixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa fadiilatu Sh. Bashiir Axmed Salaad. Sidoo kale waxaa cashar bixiyay Sh.Dr. Cabdirasaaq Maxamuud ‘Takar’, Ustaad Cabdiwali Cali, Ustaad Yuusuf Cismaan iyo Macalin Cabdiraxmaan Faarax ‘Xadro’ qoraaga buuga barashada higaadda.

Tabarkaaas oo u jeedadiisu ahayd in kor loogu qaado aqoonta, wacyiga iyo xirfadda macalimiinta, ayaa ka soo qaybgalayaashu aad ugu riyaaqeen.  “Wajiyadooda bay ka muuqatay”in ay u riyaaqeen tabarbarka buu yiri mid ka mid ah macalimiinta.

Masuulka ugu sareeya hay’adda soo qaban qaabisay tababarka Cabdifitaax Axmed wuxuu yiri: “Qorshaha aynu dejinay sidii loogu talogalay ayuu u dhacday iyo si ka saraysa, Alle ayaa inagu guulaayay.  Waxaan dareemayaa in dhammaan macalimiintu ka faaiideen tabarkaas: Waxay ka heleen aqoon iyo aragtiyo cusub.”

Xarunta Horumarinta Malcaamadaha ee Al Irshaad waxay tahay hiraalkeedu “soo saarista jiil huwan qiyam Islaami ah, lehna tacliin sare”. Waxayna dadaal keeda iyo wakhtigeedaba gelisaa sidii loo heli la’haa malcaamado tayo leh. Mu’ssadda Irshaad waxay ugu baaqday (uguna baaqaysa) malcaamadaha Soomaaliyeed ee UK: “Baahiyaheena aynu ku qaabilno si wadajir ah”.

no images were found

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan wakaaladda kala soo xiriir:-irshaad.sec@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online